HomeWarkiiWarar dheeraad ah oo ku soo kordhay dilka Taliye Nuur Fareey

Warar dheeraad ah oo ku soo kordhay dilka Taliye Nuur Fareey

AFGOOYE (DAYNIILE.COM)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilka saaka loo geystay Taliyihii Guutada 14-ka Oktobar Nuur Fareey  kaasoo ka dhacay duleedka Degmad Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Wararku waxay sheegayaan in dilkaani ahaa shirqool ay Alshabaab soo maleegeen kadib markii ay ciidamada deegaanka ay ku soo dhex darsadeen dagaalame Alshabaab ka tirsan kaasoo ugu dambeyn saaka toogtay Taliyaha.

Sidoo kale faah-faahinada la helaayo ayaa sheegaya in sidoo kale Taliyaha lala dilay sedex askari oo laba ay xidiglayaal ahaayeen halka midka kalana uu dable ahaa kuwaasoo 4 ku ah dilka Taliyaha loo geystay.

Ninka Alshabaabka ka tirsanaa markii uu Taliyaha iyo sedexda askari laayay ayaa isna waxaa togtay ilaalada Taliyaha isla goobta ayuu ku geeriyooday gacan ku dhiiglaha.

Taliska milateriga Somalia iyo wasaarada gaashaandhiga wali wax wara kama soo saarin shirqolka saaka lagu dilay Taliyihii guutada 14-ka Oktobar Allaha u wada naxariistee Nuur Fareey  iyo askarta kale .

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 1 person

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -