War saxaafadeed si wadajir ah u soo saareen Sheekh Shariif, Xasan Cali Kheyre iyo C/raxmaan C/shakuur waxay ku sheegeen inay si buuxda u garab taagan yihiin Ciidanka Xoogga dalka, Daraawiishta iyo halgamayaasha deegaanka ee dagaalka kula jira Argagixisada Daacish iyo AS.
War saxaafadeedka ayay ku caddeeyeen in lagama maarmaan ay tahay in dib u eegis lagu sameeyo dagaalka lagula jiro khawaarijta, degdegna wax looga qabto sababaha keenay inay maanta duulaan yihiin argagixisadii sanad ka hor ay baacsanayeen halgamayaasha deegaanka, dibna u qabsadaan qaar ka mid ah deegaanadi horay looga xorreeyay.
“La dagaalanka Argagixisada waa Ajande Qaran waxaana lagu xaqiijin karaa wadajir, Midnimo Qaran iyo siyaasad loo dhan yahay. Waxaan Madaxweynaha ugu baaqeynaa inuu la yimaado istiraatiijiyad iyo qorshe lagu sameynayo abaabul Qaran oo dalka looga ciribtirayo khawaarijta, dhexdaba dhigo talada dalka, xalna laga gaaro khilaafka siyaasadeed”.