Xamaas ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay sii deyso 34 maxbuus, taasoo qayb ka ah heshiis xabbad-joojin ah oo ay la gashay Israa’iil, sida ay ku warameen wakaaladaha wararka ee Reuters iyo AFP, iyagoo soo xiganaya sarkaal ka tirsan kooxda Falastiin.
Kooxda Falastiiniyiinta, ee maamusha marinka Qaza, ayaa ogolaatay sii deynta maxaabiista “taas oo qayb ka ah wejiga koowaad ee heshiiska isdhaafsiga maxaabiista”, AFP ayaa sheegtay Axaddii, iyadoo soo xiganaysa sarkaal aan la magacaabin oo Xamaas ah.
Isweydaarsiga bilowga ah waxaa ku jiri doona dhammaan haweenka, carruurta, dadka da’da ah iyo maxaabiista buka ee lagu hayo Gaza, AFP ayaa ku warantay sarkaalka.
Laakiin Xamaas waxay u baahday wakhti ay ku ogaato xaaladdooda, ayuu yidhi. “Xamas waxay ogolaatay inay sii deyso 34 maxbuus, hadday nool yihiin ama ha dhinteen. Si kastaba ha ahaatee, kooxdu waxay u baahan tahay toddobaad xasilloon si ay ula xiriirto afduubayaasha oo ay u kala caddeeyaan kuwa nool iyo kuwa dhintay,” ayuu yiri sarkaalka.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa soo xigatay sarkaal aan la magacaabin oo ka tirsan ururka Xamaas isagoo sheegay in heshiiska xabbad joojinta uu ku xiran yahay in Israa’iil ay ogolaato xabbad joojin joogto ah iyo ka bixitaankeeda Gaza.
Xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Axaddii sheegay in Xamaas aysan weli bixin liiska maxaabiista si loo sii daayo