MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Qarax loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhaw oo caawa ah lagu weeraray Maqaaxida TOP oo ku taal nawaaxiga Taalada Daljrka Dahsoon ee Degmada Boondheere Magaalada Muqdisho.

Maqaaxida waxaa lagu daawanaayay ciyaarta fiinaalaha Euro taasoo u dhexeysay Engaland iyo Spain, waxaa la soo sheegayaa in dhalinyaradii daawaneysay badankood qaraxu saameyn ku yeeshay.

Advertisement

Qaar yar oo ka bad-baaday qaraxa ayaa saxaafada la wadaagay in meesha waxa ka dhacay aan la qiyaasi karin islamarkaana qarax weyn maqaaxida darbigeeda lagu dhuftay taasoo iyaga ula muuqatay gaari walxaha qarxaha laga soo buuxiyay.

Wararka horu dhaca ah ayaa sheegaya in maqaaxida hal meel 9 ruux ku dhinteen madaama maqaaxidu qeybo kala duwan leedahay, sidoo kale moto bajaj waday sedex dumar ah iyaga iyo darawalkiina waa geeriyoodeen xili qaraxa ay ku soo aadeen.

Goobta qaraxa uu ka dhacay waxaa lagu arkay xubnaha jirka dadkii meesha ku sugnaa oo jarjarmay sida  madax go’ay iyo qeybaha kale ee jirka .

Dhimashada  ilaa 7 ruux ayaa la soo warinayaa laakiin mar kasta way kordhi kartaa madaama wali gurmadku socdo islamarkaana goobtu gubaneyso

Tira sugan wali lagama sheegi karo khasaaraha nafeed madaama xaalku qasan yahay sidoo kalana gaadiid badan gubteen kuwaasoo dabka sii kordhinaya.

Wixii warar soo kordha wararkeena xiga ayaad kaga  bogan doontaan insha Allah.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here