MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay waqtiga uu dib u bilaaban doono kulamada guud ee Golaha shacabka oo hakad galay.
Guddiga joogtada ee Golaha oo maanta kulan yeeshay ayaa ku go’aamiyay in maalinta Isniinta ah ee soo socota ay dib u bilaaban doonaan kulamada guud ee Golaha.
Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) oo ah Habdhowraha Golaha Shacabka ayaa ka warbixiyay go’aanka gudiga ee dib u bilaabashada fadhiyadii baarlamaanka.
“maanta wuxuu gudigu go’aamiyay in isniinta shaqada lagu laabto iyadoo lagu talagalayo sharciyadii dhexda noo marayay iyo kuwii xukuumadu hada soo gudbisayba in la meel marayo, lagana sii anba qaado mid kasta meesha uu munaasabka ku yahay”ayuu yiri Hab-dhowraha
Dhanka kale masuulkaani wuxuu ku wargeliyay dhamaan xildhibaanada inay isniinta soo xaadiraan si kooramka fadhiga uu u buuxsamo,wuxuu si gaar ah ugu baaqay kuwa dibaddaha wali jira inay ku tala galaan inay isniinta soo xaadiraan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM