Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan Maxamed ayaa maanta Munaasabad Sagootin ah u sameeyay Wakiilka  IOM Soomaaliya Frantz Celestine.

Munaasabadda oo ka dhacday Xarunta soo dhaweynta Qaxootiga soo laabtay ee Hay’adda ayaa lagu boggaadiyay doorka taageerada  IOM ee Soomaaliya, waxaana Wakiilka Hay’adda la gudoonsiiyay Billad Sharaf.

Frantz Celestine Wakiilka IOM ee dalkeena oo ka hadlaya Munaasabadda ayaa sheegay inuu ku faraxsan yihiin garab siinta hay’adaha dowladda ee u xilsaaran gargaarsiinta dadka Soomaaliyeed ee danyarta ah.

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan Maxamed ayaa Wakiilka ku amaantay shaqoonkii wanaagsanaa ee uu lasoo qabtay Hay’adda.
May be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 1 person and textMay be an image of 11 peopleMay be an image of 5 people, people studying and daisMay be an image of 4 people, dais and hospitalMay be an image of 3 peopleMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 5 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here