=XIGASHO BBC SOMALI=
Iiraan iyo Maraykanka ayaa soo gabagabeeyay wareegii ugu horreeyay ee wadahadallada oo ka dhacay Cumaan, oo ku saabsan barnaamijka nuclear-ka ee Tehran – kulan heerkiisu sarrreeyo kii ugu horreeyey ee labada dal yeeshaan tan iyo 2018.
Labada dal ayaa kulanka ku tilmaamay mid “wax ku ool ah” waxayna xaqiijiyeen in wareeg labaad oo wadahadallo ah uu dhici doono usbuuca soo socda – Maraykankana waxa uu ammaanay “Wadahallada tooska ah” inay tahay furaha heshiis suurtagal ah.
Madaxweyne Donald Trump ayaa Mareykanka ka saaray heshiiskii hore ee Nukliyeerka ee u dhaxeeyay Iran iyo quwadaha adduunka sanadkii 2018, wuxuuna muddo dheer sheegayey inuu sameyn doono heshiis “ka wanaagsan”.
Wadahadalladan waxaa loo arkaa inay yihiin tallaabo muhiim ah oo lagu ogaanayo haddii heshiis la gaari karo.
Kulankii ugu horreeya oo socday laba saacadood iyo bar, waxa uu ahaa mid kooban, oo sida la sheegay xushmad ku dheehan tahay -kaas oo looga gudbay wareega labaad.
Taasi waxay ahayd sida ugu wanaagsan ee ay dhici karto markii mas’uuliyiinta Iiraan iyo Maraykanka ay fariisteen Muscat, caasimadda Cumaan, kaas oo diblumaasigiisa ugu sarreeya uu dhexdhexaadiyay wada xaajoodyada aan tooska ahayn.
Wadahadalladani waxay ahaayeen kuwa ugu muhiimsanaa tan iyo markii Trump uu ka baxay heshiiskii nuclear-ka ee Iiraan iyo quwadaha caalamka ee 2015, intii uu xafiiska joogay.
Go’aanka wakiilka Iiraan ee wadahadallada, Wasiirka Arrimaha Dibedda Abbas Araghchi, wuxuu ahaa mid togan.
“Ra’yigayga, kulanka ugu horeeya wuxuu ahaa mid wax ku ool ah oo lagu qabtay jawi aad u nabdoon oo ixtiraam leh, sababtoo ah ma jirin luqad aan munaasab ahayn oo la isticmaalay,” ayuu u sheegay TV-ga qaranka Iran.
Codkiisa diblomaasiyadeed wuxuu muujinayaa in kooxda Maraykanka ee uu hoggaaminayo wakiilka Trump, Steve Witkoff, aysan soo celin wax ka mid ah hanjabaadihii madaxweynaha ee ahaa in Iiraan ay la kulmi doonto “khatar weyn” haddii wadahadalladan aysan guuleysan. Wuxuu si joogto ah uga digay weeraro millatari oo suurtagal ah.
Kulankani wuxuu dhacay iyadoo wafuudu ay ku suganaayeen qolal kala duwan uuna fariimaha u u kala gudbinayey wasiirka arrimaha dibada ee Cuman,Badr bin Hamad al-Busaidi.
Witkoff, oo hogaaminaya wafdiga Mareykanka, ayaa horey uga hadlay kaliya kulan fool ka fool ah.
Laakiin Araghchi iyo Witkoff waxay wada hadleen dhowr daqiiqo iyada oo uu joogay Busaidi – taasoo aysan ahayn wadahadalladii tooska ahaa ee ay mas’uuliyiinta Maraykanku sheegeen inay dhici doonaan, balse waxay noqon kartaa furitaan yar oo muhiim ah.
Bayaan ay soo saareen aqalka cad ka dib wadahadallada, ayaa lagu sheegay in wadahadalladu “ay ahaayeen kuwo aad u togan oo wax ku ool ah,” iyadoo la xusay in Witkoff uu Iiraan ku adkeeyay inuu haystay tilmaamo ah inuu xal u raadiyo “khilaafaadka” labada dhinac “iyadoo loo marayo wadahadal iyo diblomaasiyad, haddii ay taasi suurtagal tahay.”
“Arrimahani waxay ahaayeen kuwo adag, wadahadallada tooska ah ee maanta ergyaga gaarka Witkoff, waxay ahaayeen tallaabooyin horey loo qaaday si loo gaaro natiijo faa’iido leh oo labada dhinac ah,” ayaa lagu daray bayaanka.
Araghchi, ayaa ka hor wadahadallada sheegay in wadankiisu uu doonayo “heshiis cadaalad ah”.
Ka dib markii wada-hadallada la soo gabagabeeyay, wuxuu sheegay in laga yaabo in wadahadallada toddobaadka soo socda aysan ka dhicin Cumaan, laakiin ay weli dhexdhexaadin doonaan qaranka Bariga Dhexe. Aqalka Cad ayaa sheegay in ay dhici doonaan Sabtida soo socota.
“Anaga, iyo dhinaca kale, ma doonayno wadahadallo aan faa’iido lahayn, dooddo aan macno lahayn, waqti lumis ah, ama wadahadallo sii soconaya weligood,” ayuu u sheegay Araghchi telefishinka dowlada Iiraan.
Arrinta ugu muhiimsan ee la isku haysto ayaa ah nooca heshiis ee labada dhinac ay diyaar u yihiin inay aqbalaan.
Trump ayaa bishii hore warqad u diray hogaamiyaha sare ee Iiraan isaga oo maraya Imaaraatka Carabta, isagoo sheegay inuu doonayo heshiis si looga hortago in Iiraan ay hesho hubka nuclear-ka iyo si looga fogaado weeraro millatari oo suurtagal ah oo ay Maraykanku iyo Israa’iil ku qaadi karaan.
Iiraan ayaa rajeyneysa heshiis lagu xadidi doono, laakiin aan lagu burburin, barnaamijkeeda nuclear-ka, si ay ugu beddesho in laga khafiifiyo cunaqabataynta.
Ilo-wareed aan la magacaabin oo ku sugan dalka Cumaan ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in wada-hadalladan lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda gobolka iyo sidii maxaabiista la isku dhaafsan lahaa.
Trump ayaa shaaca ka qaaday in wadahadalladu ay dhici doonaan intii lagu jiray booqashadaii Benjamin Netanyahu ee Aqalka Cad Isniinta. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa Talaadadii sheegay in labada hogaamiye ay ku heshiiyeen in Iiraan “aysan yeelan doonin hubka nuclear-ka.
Netanyahu ayaa ku baaqay in la sameeyo “heshiis la mid ah kii Libya,” isagoo tixraacaya dalka Waqooyiga Afrika oo si buuxda u burburiyay barnaamijkiisii hubka ee heshiis uu la galay quwadaha Reer Galbeedka sanadkii 2003. Taasi waxay Iiraan u tahay wax gebi ahaanba aan la aqbali karin.
Iiraan waxay ku adkeysaneysaa in dhammaan hawlaheeda nuclear-ka ay yihiin kuwo nabadeed oo keliya, isla markaana aysan waligeed raadineynin inay horumariso ama hesho hubka nuclear-ka.
Mas’uuliyiinta Iiraan waxay si cad u sheegeen in wadahadalladu ay diiradda saari doonaan kaliya barnaamijkooda nuclear-ka, balse aan lagu soo dari doonin awooddooda milatari ee guud, sida barnaamijkooda gantaallada ridada dheer.
Kahor wadahadalka, Trump wuxuu sheegay Jimcihii inuu doonayo Iran “inay noqoto waddan cajiib ah, weyn, laakiin ma yeelan karaan hubka Nukliyeerka”.
Si kastaba ha ahaatee, geeddi-socodkan wuxuu ku dhacayaa duruufo aad u adag.
Xitaa intii diyaar garowga kulanka koowaad uu socday, Maraykanku wuxuu gobolka u diray maraakiib dagaal iyo diyaarado wax burburiya oo casri ah, wuxuuna saaray cunaqabatayn dheeraad ah.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa wariyeyaasha ugu sheegay xafiiska Oval-ka isniintii inay “maalin aad u xun u noqon doonto Iran” haddii wadahadallada lagu guuleysan waayo.
Iran waxa ay ku adkaysanaysaa in hawlaheeda Nukliyeerka ay gabi ahaanba yihiin kuwo nabadeed oo aanay marnaba isku dayi doonin in ay samaystaan ama helaan hub Nukliyeer ah.
Si kastaba ha ahaatee, tan iyo markii Madaxweyne Trump uu sanadkii 2018 ka baxay heshiiskii Nukliyeerka ee 2015—kaas oo dhacaya dabayaaqada sanadkan—Iiraan waxay si tartiib tartiib ah u jebinaysay xannibaadihii lagu saaray barnaamijkeeda, taasoo ay uga jawaabayso cunaqabatayntii Maraykanka ee dib loo soo celiyay 7 sano ka hor, waxana ay kaydisay uranium ku filan oo aad loo tayeeyay si ay u samayso dhawr bam.
Sida ku cad qodobbada heshiiska 2015, Iran waxay ogolaatay in kaliya tayeyso uranium ilaa 3.67% nadiif ah 15ka sano ee soo socota.
Bishii Febraayo, hay’adda caalamiga ah ee tamarta nukliyeerka (IAEA) ayaa sheegtay in Tehran ay kaydisay uranium tayaysan 60% nadiif ah oo ay si degdeg ah ugu guuri karto 90%, taas oo noqon doonta heerka hubka.
Bishii Febraayo, hay’adda caalamiga ah ee tamarta Nukliyeerka (IAEA) ayaa sheegtay in Tehran ay haatan kaydsatay uranium gaaraysa 60% nadiif ah, taasoo ay si degdeg ah ugu kordhin karto 90% oo ah heerka loo adeegsado samaynta hubka nukliyeerka.
Heshiiskii Nukliyeerka ee 2015 -kii, wuxuu qaatay ku dhowaad laba sano oo wadahadallo adag ah. Laakiin markan, iyadoo dadaallo cusub la billaabay, barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan aad ayuu uga horumarsan yahay sidii hore, gobolka ay arrintani ka dhacaysana aad buu u kacsan yahay.
=XIGASHO BBC SOMALI=