Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Afrika, oo uu hoggaaminayay Gen. Cheick Dembele, Madaxa Qaybta Hawlgallada Nabad Taageerista ee Guddiga Midowga Afrika iyo Dr Donald Kaberuka, Wakiilka Midowga Afrika ee Maalgelinta Nabadda Afrika ayaa shalay booqasho hal maalin ah ku yimid Muqdisho.
Wafdiga ayaa la kulmay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan ATMIS, iyo beesha caalamka, iyo Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda Cali Maxamed Cumar, iyo La Taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Sheekh-Cali.
Advertisement
Waxay ka wada hadleen sidii khayraad loogu abaabuli lahaa hawlgalka AUSSOM oo ah kan xigi doono ATMIS.
=XIGASHO TALISKA ATMIS=
Advertisement