HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha la doortay ee Maamulka Somaliland C/raxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, iyo Madaxweynaha kursiga ka sii degaya ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Hargeysa ku qaabilay Wafdi ka socda Dowlada Mareykanka.

Wafdigaan waxaa hogaaminayay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Richard Riley iyadoo uu ku weylinayay taliyaha howlgallada Taliska Ciidammada Maraykanka ee Qaaradda Afrika, Major General Brian Cashman.

Advertisement

Muuse Biixi iyo C/raxmaan Ciiro oo si kala gaar gaar ah ula kulmeen wafdiga ayay dhamaantood isla soo qaadeen xiririka wada shaqeyn ee ka dhexeeya Mareykanka iyo Maamulka Gobolada waqooyiga Somalia ee la baxay Somaliland.

C/raxmaan Ciiro oo dhawaan loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa u balan qaaday Wafdiga Mareykanka inuu sii adkeyn doono xiriirka wanaagsan ee ay la leeyihiin Dowlada Mareykanka.

Safiirka Mareykanka ee Siomalia ayaa ku amaanay madaxda Maamulka Somaliland sida ay u amnigooda uga shaqeeyeen iyo habkii ay u dhacday dooerashooyinkii dhawaan u qabsoomay reer Somaliland.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Safiirka Mareykanka iyo Cirro

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here