Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam ayaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ku soo dhaweeyey Agaasime Goboleedka EMRO ee Hay’ada Caafimaadka Aduunka WHO Dr. Hanan Balkhy.
Soo dhawaynta waxaa Wasiirka ku wehlinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaliil, qaar ka mid ah howl wadeenada Wasaaradda Caafimaadka, xubno ka socday WHO xafiiska Muqdisho oo ay ugu horeyso Dr. Reenee Madaxa WHO ee Soomaaliya.

Dr. Hanan oo safar ku mareysay dhowr iyo labaatanka dal ee ku mideysan Urur goboleed WHO/EMRO ayaa markeedii ugu horreysey soo gaartey dalka ka dib doorashadeedii, iyadoo madaxda sare ay kala hadli doonaan kor u qaadida Caafimaadka guud ee dalka iyo dowrka WHO ay ku leedahay.
May be an image of 3 people, aircraft and textMay be an image of 5 people and textMay be an image of 11 people and suitMay be an image of 9 people, dais and textMay be an image of 5 people and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 1 person and scarfMay be an image of 1 person and wrist watchMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 5 people, table and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here