MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa goor dhaw oo maanta ah soo gaaray Magaalada Muqdisho wafdi ka socda Dowlada Itoobiya kuuwaasoo lagu soo dhaweeyay garoo nka diyaaradaha caasimada dalka Somalia.

Advertisement

Wafdigaan waxaa hogaaminaya Laba Wasiir oo kala ah Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Mesganu Arga iyo Wasiirka  Difaaca Itoobiya Aisha Mohammed Musse iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Mesganu Arga, waxa lagu wadaa inay is arkaan madax ka tirsan Dowlada Somalia.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Dowlada Itoobiya galaan-gal siyaasadeed ugu jirto sidii loogu ogolaan lahaa inay ka mid noqdaan Dalalka ciidamadoodu qeybta ka yihiin howlgalka cusub ee Somalia.

Sidoo kale Masuuliyiinta ka socda Itoobiya ayaa kala hadli doona Dowlada Somalia dhammeystirka heshiiskii  magaalada Ankara ee Dalka Turkey ay ku kala saxiideen labadaan Dal.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here