Waxaa saaka xiran qaar ka mid ah wadooyinka muhiimka u ah isku socodka magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, halkaas oo lagu arkayo ciidamo farabadan oo Booliis ah iyo gadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan.

Wadooyinka xiran saaka waxaa ka mid ah Maka Almukarama, Isbitaalka xoogga, Isgoysyada lamabar afar, Soobe iyo wadada 21-ka Oktoobar ee magaalada Muqdisho.

Dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa saaka lugeynaya laamiyada u xiran ciidanka dowladda Soomaaliya, mana jiraan wax gaadiid dadweyne ah oo shaqeynaya, marka laga reebo gaadiidka wada ardada iyo kuwa dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Advertisement

Si kastaba ha ahaatee waaxaa xusid mudan in meelaha qaar aanan loo ogoleyn shacabka in ay ku lugeyaan waxaana lagu amrayaa in ay isaga laabtaan, taasi oo caqabad dheeraad ku sii ah dadka shacabka ah.

Hase ahaate waxaa maanta loo xiray waddooyinka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abye Ahmed oo imaanaya maanta magaalada Mogadishu waxaana socda qaban qaabada iyo u diyaar garowga Abye ahmed.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here