XIGASHO: XILDHIBAAN C/RAXMAAN C/SHUKUUR WARSAME
Nin Ingiriis ayaa Tareen ka baxaya Faransiiska oo ku socda dalkiisa wuxuu soo dhinac fariistay haweeney Faransiis ah. Wejiga haweenayda ayuu ka dareemay qalqalsanaan iyo welwel, markii uu waydiiyey waaxay u walaacsantahay, ayey u sheegtay in ay sidato lacag doollar ah oo ka badan intii loo oggolaa.

Wuxuu u soo jeediyey in ay lacagta kala qaybiso oo bar ka mid ah isaga u dhiibto si haddii booliisku midkood u qabto kan kale u baxsado. Shan kun oo doollar ayey u dhiibtay waxayna u qortay cinwaanka gurigeeda.

Markii ay soo gaareen halkii lagu baarayey, haweeneydii Faransiiska ahayd wax dhib ah lama kulmin oo si fudud ayey ku gudubtay, laakiin ninkii Ingiriisika ahaa ayaa ku qayliyey:

Advertisement

“Taliye, haweenaydan waxa ay wadataa lacag toban kun oo dollar, barna aniga ayaa u haya, barkii kalana iyadaa wadata, ma doonayo in aan dalkayga khiyaano, waxaan ula shaqaynaya si aan dalkayga u badbaadiyo, waxaana igu bixiyey jacayl aan u qabo boqortooyada wayn ee Ingiriiska”.

Haweenaydii ayaa mar kale la baaray, waxaana laga helay lacagtii, waana lagala wareegay. Sarkaalkii Booliska ahaa ayaa halkaa hadal dhiiragelin ah oo wadaniyadda iyo dhibaatada lacagaha la tahriibiyo u leeyihiin dhaqaalaha qaranka ka hadlay, wuxuuna u mahadceliyay ninkii Ingiriiska ahaa, waana sii daayeen haweenaydii.

Laba maalin ka dib, islaantii Faransiisku waxay la yaabtay ninkii Isgiriiska ahaa ee shirqoolay oo ilinka gurigeeda taagan, waxayna ku tiri iyada oo xanaaqsan:

“Maxaad iga rabtaa hadda?” Wuxuu u dhiibay baqshad ay $15,000 ku jirto.
“Waa tobankaadii kun iyo $5k oo abaalmarin ah” ayuu si qabow u yiri. Waxay la yaabtay wuxuu ka wado.
Wuxuu ku yiri,

“Ha la yaabin, waxaan rabay in aan Booliska ka mashquuliyo boorsadayda oo ay ku jirto saddex milyan oo dollar, waxaan ku qasbanaaday inaan khiyaanadan sameeyo”

In badan waxaan aragnaa qof waddaniyad sheeganaya oo dalkiisa khiyaanaya. Talow maxay nagu badan yihiin kuwo noocaas ah?
WAXAA QOREY: XILDHIBAAN C/RAXMAAN C/SHUKUUR WARSAME
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here