QAHIRA (DAYNIILE.COM)-Warar ku dhaw dhaw Dowlada Falastiin ayaa sheegaya in wada-xaajoodka Xamaas iyo Yuhuuda uu saacadaha soo socda ka bilaaban doono Magaalada Dooxa ee caasimada Dalka Qatar.

Wada-xaajoodkaan oo ay gar wadeen ka yihiin Carabta iyo reer Galbeedka ayaa dhowr mar hore u fashilmay balse masuul u hadlay Falastiin ayaa BBC u sheegay in 48-ka saac ee soo socda uu furmi doono wada-xaajoodkaasi.

Advertisement

Rajada ugu weyn ee laga qabo wada-hadaladaan ayaa in ugu yaraan heshiis xabad joojin la gaaro si shacabka reer Gaza ee macaluusha u dhamaanaya loogu gurmado raashin,dawo iyo shidaal intaba.

Taliyayaasha sirdoonka Masar,Mareykanka,Yuhuuda iyo Mareykanka oo ku wada sugan Qaahira ayaa lagu wadaa inay maanta u dhoofaan Dalka Qatar halkaasoo oo iyana lagu wado inay imaadaan saraakiisha Xamaas uga qeybgaleysa inkastoo saldhigooduba uu yahay halka shirku ka dhacayo ee Dooxa.

Warar shirkaan ajandihiisa ku dhaw dhaw ayaa sheegaya in Xamaas ay saluugsan tahay rabitaanka Israa’iil ee ah inay sii daayaan 100 Maxbuus oo reer Falastiin ah kaliya xili ay kumanaan maxbuus gacanta ku hayaan taasna aysan marna aqbalayn xamaas,Sidoo kale Xamaas waxay rabtaa in Yuhuudu uga baxdo dhulkooda islamarkaana heshiis buuxa la gaaro halka Yuhuudu hagar daamo wado iyo in marka loo sii daayo maxaabiista laga heysto ay duqeymaha sii wadaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here