Wargeyska Wall Street Journal ayaa ku warramaya in wadahadallada xabbad joojinta ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas ay hakadeen islamarkaana soo wajahday xaalad cakirnaan ah.

Isagoo soo xiganaya dhex dhexaadiyeyaasha Carabta Wargeysku wuxuu sheegay in labada dhinac ay ka fikirayeen xabbad joojin 60 maalmood ah oo ilaa 30 maxaabiis Israa’iil ah  lagu qabtay Gaza la sii dayn lahaa,sidoo kalana taas beddelkeeda, Israa’iil waxaa laga rabaa inay iyagu maxaabiis reer Falastiin ah  sii daayaan,sidoo kale asaxaan gargaarka bini’aadanimada  kaasoo la gaarsiiyo Gaza balse wadahadalada ayaa hadda hakad galay.

Advertisement

Dhexdhexaadiyayaashu waxay sheegeen in Israa’iil ay ku adkaysatay in ay hesho la haystayaal nool oo keliya wax kasta oo beddel ah, waxayna diiday in ay ogolaato sii-deynta qaar ka mid ah maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee Xamaas ay raadinayso

Damaca Israa’iil ayaa halis ku ah rajadii laga lahaa xabad joojinta inkastoo wali si rasmi ah uusan u fashilmin,Isra’iil waxay rabtaa inay ceshato dad Xamaas u ah muhiim oo Kooxdooda ka tirsan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Protesters hold a banner as they march to call for the release of Israelis held hostage by Palestinian militants in Gaza

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here