Geesiyaasheenu marna  kama daalaan Caaawinta Shacabkooda.
Iskaashi dhex maray dadka deegaanka iyo Ciidanka Xoogga, gaar ahaan Ururka 143-aad ee guutada 14-ka October, Ciidanka dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa loogu guuleystay in lagu xiro goobo uu Wabiga Shabeelle uga soo Fatahay deegaanka Sabiid ee degmada Afgooye.
Howlgalkan is xilqaanka ah oo Shacabka iyo Ciidanka ay dedaalka ugu galeen Xakameynta Fatahaadaha Wabiga ayaa sidoo kale dib u habeyn loogu Sameeyey Buundooyin Macmal ahaa oo dadka deegaanka Sabiid ay isticmaalayeen, kuwaas oo ay bur-buriyeen biyihii Fatahaadda ka dhashay islamarkaana suura geliyay inay ku gudbaan gaadiid kala duwan oo duleedka deegaankaas ku xayirnaa.
Taliyaha guutada 14-ka October G/sare Nur Farey oo ku bogaadiyay Taliyaha Ururka 143-aad G/dhexe Axmed Xasan Siyaad sida ay garabka ugu noqdeen Shacabka deegaanka Sabiid oo marna ay ka difaacayaan Khawaarijta, ayaa dhinaca kale balan-qaaday inay xaalad kasta ku garab istaagi doonaan Shacabka ku nool deegaanada iyo Degmooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose katirsan ee ay gacanta ku heyso guutada 14-ka October.
May be an image of 7 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 3 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here