Wasiirkii hore ee arimaha dibada Yuusuf Cumar Garaad ahana madixii Idaacada BBC-da ayaa barihiisa bulshada ku soo daabacay qoraal uu talo ku siinaayo Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabelle hadana ah ku Xigeenka Xoghayaha fulinta IGAD.
May be an image of 1 person
Qoraalkaan warihihii hore Yuusuf Garaad oo cinwaankiisu yahay Waaroow ka gaabso ayaa sidan u qornaa:-
Walaakeey Waare inta uu yahay ku Xigeenka Xoghayaha fulinta IGAD, marka uu fagaare joogo ama uu saxaafad la hadlayo laba middood ayaa la gudboon.

Waa in uu gebi ahaanba ka aammuso siyaasadda dalalka IGAD oo ay ku jirto Soomaaliya iyo xiriirradooda caalamiga ah.

Midda labaad oo u furan waa in uu uga hadlo si aan baalmarsaneyn, ka cusleyn kana khafiifsaneyn ee si buuxda u waafaqsan mowqifka IGAD oo keliya ay gooyaan Golaha Wasiirrada IGAD ka dibna ay

Madaweynayaashu ansixiyaan.

Advertisement

Ra’yi iyo mowqif siyaasadeed oo aan Golaha Wasiirrada IGAD go’aan ka soo saarin ee isaga u gaar ah, ma aha in uu fagaare la yimaado inta uu xilka IGAD hayo.

Waa ay adag tahay mas’uul siyaasadda ka gaaray heer Madaxweyne Goboleed, caadana ka dhigtay faaqidaadda siyaasaddu in uu sidaa isu xakameeyo, laakiin xil kastaa wuxuu leeyahay xudduud.
=QORRE YUUSUF GARAAD=
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here