Taliyaha Ciidanka ATMIS ee Qeybta 4-aad, Gaashaanle Sare Said Waberi Harour ayaa shalay guddoomiyey kulan amni oo heer sare ah oo lagu qiimeynayay xaaladda amni iyo bini’aadannimo ee Beledweyne, ka dib wareejintii saldhigga Orhasan ee lagu wareejiyey Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Kulanka oo lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Qeybta 4-aad ayaa lagu heshiiyey in la dardargeliyo roondooyinka wadajirka ah iyo in la wadaago xogaha sirdoon si looga hor-tago weerarrada Al-Shabaab ee ka dhanka ah dadka shacabka.

Waxaa kulanka ka qeybgalay Taliyaha Guuatada 1-aad ee Ciidanka Difaaca Qaranka Jabuuti (DNDF), Gaashaanle Dhexe Mohamed Hassan Abdalla; saraakiil sarsare oo ka tirsan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, mas’uuliyiin ka socotay maamulka Gobolka Hiiraan iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
XIGASHO WARBAAHINTA ATMIS
May be an image of 10 people and textMay be an image of 8 people and people studyingMay be an image of 9 people, people studying and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here