Qore: Yahya Amir
Waa Runtii ugu xaraareed. Waa nuqul ka mid ah Qoraal Madaxda Somalida ugu jiro Barkinta hoosteeda oo ay Habeen kasta akhriyaan, ayna u fuliyaan si qaraoodi ah.
Hoos ka fiiri Qoraalka Noqolka Sharciyada Qarsoon iyo Madaxda Somalida.

Qeexidda Erayada:

Sharciga Qarsoon: waa Sharci aan qorneeyn oo Madaxda Somalidu ku dhaqmaan.

Madax: intii Soo qabatay Xil Madaxweyne, Madaxweyne Xigeen, R/W, R/W xigeen, Wasiir iyo ku Xigeenadiisa, Xildhibaan, Senetor, Safiir, madax Maamul Gobaleed, Hogaamiye Kooxood.

Fiiro Gaara: Qodobadaan loogama jeedo shakhsi gaar ah ee waa Qodoba guud oo saameeyo Hab dhaqanka siyaasadeed ee Madxda somalida Badankooda kuwii hore, kuwa Hadda iyo kuwa dambeba.

Qodobada Sharciga qarsoon qaarkood.
Q1. Siyaasigu Waa in uu leeyahay Saddax waji: Xilka ka hor, wakhtiga Xilka iyo Xilka kadib.
2. Waa in uunan leheyn Hanti u gaar ah oo isaga ku qoran markuu Xilka ka degayo, Hantidiisa oo dhan waa in ay ku qornaato Caruurtiisa iyo Xaasaskiisa, si loo yiraa wax hanti shakhsiya ah male isagu, waxna ma xadin.
3. Caruurtoodu si ay Xil Qaran u qabtaan inta waalidkood Xukunka hayo iyaga loogama Baahno shuruudo Gaar ah. Xil kasta ayaa loo magacaabi karaa iyaga oo leh Awood dheeri ah oo qarsoon.
4. Afarta Q. ee Qaran, Qabiil, Qaraabo iyo Qooys. Waxa uu shacabka Afka uga sheegaa Qaran, waxa uu jaranjar ka dhigtaa, Qabiil iyo Qaraabo, waxaase uu u daneeyaa Qoyskiisa hoose oo kaliya.
5.Madaxdii ka horeysay ee Dambiilayaasha ahaa, haddii ay Hore u dhinteen waxa uu yiraa AuN. isaga oo xil hayo hadeey dhintaan Aas qaran ayuu u sameeyaa, si isagana Dambiyadiisa loo hilmaamo.
6. Caruurtii khaa’imiintii hore ee Geeriyooday Xilal ayuu u magacaabaa, Si kuwiisana aan Berri loo takoorin oo Xil loogu magacaabo iyagana.
7. Waa in uu noqdo Jisaar, Intii uu jaranjarta ku soo fuulay waa in uu irdaha ka xirtaa, kuwii ka soo horjeedayna uu sare u qaado, si aan cadaaladba loogu fikirin.
8. Hanti dhowrku waxa uu baari karaa Tuugada C iyo wixii ka hooseeyo, laakin Tuugada A iyo B lama baari karo.
9. Tuugada Maalintii wax xaddo Dambi male, kuwa Habeenkii ee Tuug D iyo F ah ayaa dambi leh.
10. Dadkii Mabda’ u halgamay, waa in la iska fogeeyo illeyn berri ayey haddana mabda’ kale oo ka soo horjeedo isaga u halgami karaan, bacdamaa ay yihiin Dad aan la iibsan karin oo Aragtidooda oo kaliya ay hagi karto.
11. Dadka Hantida jecel una diyaarka ah in ay Darteed isku duleeyaan waa in la soo dhaweesto.
12. Caalamka marka lala shirayo, waa in uu la yeeshaa shir shakhsi ah oo u gaar ah, Dadkana wax kale loo sheego.
13. Qoyskiisa, Xaas, Caruurtiisa, Saaxiibadda aan Damiirka leheyn, iyo Doqonta la xaniinya Bixiyay, waa in ay si toos ah iyo si dadbanba gacanta ugu hayaan ilaha dhaqaalaha Dalka.
14. Shacabka waa in loo abuuro Cadaw aan jirin iyo Ciyaaro lagu mashquuliyo.
15. Culimada waa in uu ka xushaa “Culimadda Guurguurto” kuwaa oo diyaar u ah in ay Madaxda ula guuraan hadba Halkii ay u guuraan.
Waana in uu ka foogaadaa Culimadda Jecel Diinta in loogu dhaqmo sida ay tahay. Kuwaa oo aan ogoleyn in iyaga la isticmaalo, waana in uu ka fogaado culimadda Runta jecel.
16. Qabaa’ilka waa in uu ka doortaa Nabadoonadda iyo Duubabka aan daneyneeyn Maslaxada Qabiilka. Kuwa saxda ah ee Danta Qabiilka Daacad u ahna uu ka fogaadaa, waa in uu qabiilka ku yiraa wax waa idiin qaban lahaa ee waxaa idinka hortaagan odayaashiina iyo Duubkiina, kuwaa oo ah isla kuwa isaga la joogo, Duubabkaan la joogana waa in uu ku yiraa, Anigaa dhaqaale idin siinayo ee ka hor taga dhibaato kasta oo iiga imaan karto Qabiilkiina.
17. Waa in Baraha Bulshada uu u isticmaalo kuwa cusub oo igu shubo ah. Kuwii shalay Baraha Bulshada ka taageerayayna, waxa uu ka baqaa in sidii uu u isticmaalay loo soo isticmaalo ileeyn Ceebtiisa ayeey ogyihiine. Waxaana uu sameeystaa Qaaqlayaal Cusub, una badan kuwii shalay isaga ka soo horjeeday.
18. Xilka kadib waa in uu isku diyaariyo sidii uu Dibadda ugu noolaa lahaa wakhtiga intiisa badan, waxa uu ogyahay Dambiyadii uu galay, laakin aynan Shacabku wada ogeeyn.
19. Waa in uu Guriga ku heeysto kuwo Madaxa ku leh Duub Guduudan, kuwaa oo diyaar u ah wax kasta oo uu faro in ay fuliyaan, Dartiina waa in ay u dhintaan. Madaxya Guduudaasi xuquuqda kaliya oo ay leeyihiin waa in ay helaan Cunto ay Cunaan oo kaliya, Haddii ay Geeriyoodaan caruurtoodu male wax xuquuq ah. Waxa kaliya oo ay leeyihiin waa ballan qaad la sii ogyahay in uunan dheceeyn, lana sugayo Marka isagu uu xilka ka dego ama uu geeriyoodo kadib, iyo in uu ballanta ku wareegto Madaxda kale oo isaga ka dambeyso oo iyaguna ka shakisan Madaxya guduudaan waana iska fogeeyaan, si ay u helaan Madaxya Guduud cusub oo qaraabadooda ah oo ay isticmaalaan inta ay Xilka hayaan kadibna ay cidlo uga dhaqaaqaan.
20. Sidii uu cadaaladda Caamka ahba uga fogaaday, waa in uunan Cadaalad ka dhax sameeyn Gurigiisa, caruurtiisa iyo Jufadiisa hoose.
21. Waa in uu ku dadaalaa in Bulshadu aynan marnaba ogaan, Qof ahaan waxa uu Hadda yahay iyo Ceebihiisii Xilka ka hor.
22. Taajiriintii hore waa in uu xiriir fiican la yeesho intii ay soo bixi lahaayeen Taajiriin cusub. Taajiriinta Hadda, kuwooda waaweyn waa in loo fududeeyo Ganacsiga, Qandaraasyada iyo cashuur dhaafka, iyada oo la qiyaasayo in ay Gacanta ku hayaan Beeshooda intooda badan, ayna ka badbaadi karaan in ay Madaxda ka huryimaadaan.
23. Khalad kasta oo uu galo waa in Dambigeeda iyo Eediisaba Cid kale loo saariyo.
24. Geerida ku timaad Qooyskiisa, sida Caruurtiisu, waa in ay kala Xanuun badnaataa geerida 1000 Qof oo Bulshada Hal door u ah.
25. Abaal marinta, Dalacaada iyo Mudnaantu kuma Xirno Qofka wax qabadkiisa ee waxa ay ku xiran tahay Qofkii Madaxdu maslaxadooda ka dhax aragto.
26. Waa in uu qaadi karo kuna dhaara karo Ballan uu sii ogyahay in uunan Fulindoonin
27. Dadka waa in uu u jeclaado kuwa u nacamleeyo iyo Kuwa iska taageero ogaal la’aan ee Baadida u badan.
28. Ciidamada iyo Shaqaalaha Dowladdu in ay Qaranka Daacad u yihiin waxaa ka muhimsan in ay Madaxda Daacad u yihiin.
29. Xilka waa in uunan u qaban in uu Dalka iyo Nolosha Dadka wax ka bedelo ee waa in uu u qabtaa in uu Noloshiisa iyo tan Qooyskiisa wax ka bedelo.
30. Waa in qabiilkiisu u eedoobaan, si ay ugu khasbanaadan in ay is difaacaan isaguna uu Gabbaad ka dhigto.
31. Waa in ay jiraan kuwo maamul hoosaadyo iyo Kaadariin ah oo Shacabka u soo bixiyo Maalinta uu Ciriiri Siyaasadeed isagu ku jiro, si loogu sheego Dadka in wadanku uu khatar ku jiro iyo in loo baahan yahay in Cadawga laga hor tago. Shacabkana loo ballan qaado Ballamo ku eg maalintaa kulul oo ay qoraxda taagan yihiin.
32. Shuruudaha Taageeraha laga rabo, Siyaasigu waxa uu leeyahay Qofka i taageerayo waa in uu buuxiyaa shuruudahaan:
Waa in uu aaminsanahay in ay waajib iska tahay in uu iska keey taageero, waa in uunan ogeyn in Siyaasaddu tahay “Hoo iyo qaado” iyo wax is dhaafsi. siyaasaduna Sadaqo ma leh. waa in uu leeyahay Calool aan iiga baahneeyn wax cuno ah, waa in uu heesto Qoray uu igu difaaco oo aan Rasaas iiga baahneyn, Jir ahaan hadduu dhaawacmana waa in uunan Daawo iga rabin, waa in uunan leheyn Hami uu xil iiga sugo, waa in uu leeyahay Jeeb aan iga rabin in aan wax ku shubo, waa in uunan aqoon Sababta uu ii taageerayo.
33. Dadku waa in ay la yaabaan sababta aan u soo dhaweystay Dad xun oo cadawgeeyga loo arko, Dadkuna waa in aynan ogaan sababta aan u soo dhaweystay Dad xunka.
34. Bacadamaa la ogyahay in Xildhibaanada Badankoodu aynann ku soo galin rabitaanka Beeshooda oo aynan saameeyn qabiil leheeyn, waxa ugu badan oo ka maqanna ay tahay in ay helaan Lacagtii xildhibaan doonkii Doorashada uga baxday, iyo mid uu mustaqbalka Qabiilkiisa xil uga xoogo. Xildhibaanadda iyada oo la fiirinaa Awoodda Qabiiladooda waa in loo qeeybiyaa:
a) Kuwo Mooshinka iyo Mushaarka laga marsuufo.
b) kuwo munaasabadaha in ay ka muuqdaan oo kaliya ku qanacsan.
c) kuwo mansab mudeeysan loo dhiibo, si qabiilkooda loo qanciyo.
d) kuwo munaafaqad laga maa’gay korka loo marmariyo, masuuliyadda Dambigana iyagu ay qaadaan.
e) kuwo Xildhibaan i dheh kaliya ku Aduun iyo Aakhiro seegay.
f) kuwo lagula balamo noo xad anna aan noo xalaaleeyo.
g) kuwo meesha ka muuqo adoo maahsan, mukhaadaraadna ha moogaan maanka ku hayo.
h) Kuwo leh Hambi Dad iyo Dal lagu horuumariyo, kuwaasi ma tiro badno, waa in Xeyndaabka laga xigsado, Dadkana loo tuso kuwo Mucaarad ah ama Dalal kale u shaqeeyo.
i) waa in aad Dadka ku tiraa, Qofkii Hantida Shacabka xado, Qofkii Shisheeye la safro, Qofkii Musuq wax ku maamulo, intaba waan la dagaalamayaa. Bishardi waa in intaas oo sifo Adiga laftaada lagaa helaa, laakin aad inkirtaa.
Iska jirhee.

Qofkii Fahmo Qodobadaan kor ku xusan waa dambiile Qaran, waxaana Ciqaabyo oo laga horkeenyaa Dad isla xigtadiisa ah, ama Baahane joogto ku ah Baraha Bulshada. Haddii loo baahdana waa la weeynayaa, kadibna iyada oo Geeridiisa lagu faraxsan yahay ayaa haddana loo tacsiyeynayaa.

FG: Ha u qaadan in loola jeedo Qof gaar ah ee waa aragti guud ee waaya aragnimadu muujinee oo laga dheehan karo inta badan Madaxdii Hore iyo kuwa hadda ee Dalka maamulo heerarkooda kala duwan.

Qoraalka Madaxda Somalidu ku dhaqmaan waxa uu u dhaw yahay Buugii ” The Prince” ee uu qoray Niccolo Machiavelli. Kaa oo Madaxdii Caalamka soo martay ee Kali talisyadu ay wada Akhristeen, kaa oo kugula talinayo in aad ka tagto Akhlaaqda oo dhan si aad xukunka u heysato, kuuna sheegayo Siddii aad Xukunka ku sii heysan leheyd. Buugaa “the Prince” waxaa lagu tarjumay in ka badan 100 Luuqadood.

FG: wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.
May be an illustration of 1 person
Qore: Yahya Amir
May be an image of 1 person, smiling and tree
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here