=XIGASHO BBC SOMALI=

Sweden

Advertisement

Sweden ayaa qorshaynaysa in ay sare u qaaddo lacagta la siinayo dadka soo galootiga ah ilaa $34,000 kuwaas oo dib ugu labanaya dalkooda ,sida ay sheegtay dowladda garabka midig ee dalkaas.

Dalalka Scandinavian-ka waxaa loo arkayey muddo tobanaan sano ah in ay yihiin “awoodda sare ee bini’aadantinimo”, laakiin sannadihii la soo dhaafay waxa uu la halgamayay sidii ay bulshada u dhexgeli lahaayeen qaar badan oo ka mid ah dadka waddanka ku cusub.

Dadka soo galootiga ah ee si iskood ah ugu laabanaya dalalkii ay ka yimaadeen laga bilaabo sanadka 2026 waxa ay xaq u yeelanayaan inay helaan ilaa lacag gaareysa 350,000 oo karoon oo lacagta Swedishka ah taas oo u dhiganta 34,000, sida ay shir jaraa’id ku sheegtay dowladda oo taageera ka hesho xisbiga ka soo horjeeda soo galootiga.

“Waxa aan ku dhex jirnaa isbedel ku yimid siyaasadeena socdaalka,” ayuu yiri wasiirka socdaalka Johan Forssell oo sidaasi u sheegay warfidiyeenka, iyadoo dowladdu ay soo bandhigtay tallaabadii ugu dambeysay ee ay kaga hortagayso soo galootiga.

Hadda dadka qaxootiga ah ama soo galootiga ah, waxay heli karaan ilaa 10,000 oo karoon qof kasta iyo 5,000 karoon oo caruurta ah, iyo 40,000 karoon qoyskiiba.

“Deeqdan lacageed ayaa soo jirtay ilaa 1984-kii, laakiin waxa ay ahayd mid aan sidaasi loo aqoon oo yar, dad yar ayaana isticmaalay oo ku laabtay,” Ludvig Aspling oo ka tirsan xisbiga Sverigedemokraterna ayaa sidaasi warfidiyeenka u sheegay.

Forssell ayaa sheegay in hal qof kaliya uu aqbalay dalabkan sanadkii hore.

Aspling ayaa intaa ku daray in haddii dad badan ay ka warqabi lahaayeen deeqdan lana kordhiyo baaxadeeda, ay u badan tahay in ay inay qaataan lacagta oo ay blaabtaan.

Waxa uu sheegay in ay dhiirigelin u nqoneyso in ay soo jiidato dhowr boqol oo kun oo muhaajiriin ah kuwaas oo shaqo la’aan ahaa mudda dheer, ama uu dakhligoodu hooseeyo una baahan kaalmada dawladeed si ay u daboolaan noloshooda.

Kuwaasi waa kooxda aan u maleyneyno inay xiisayn doonaan,” Aspling ayaa sidaasi sheegay.Sweden

Laakiin Kaahin Maxamed Axmed oo ka shaqeeya arimaha bulshada una dhaq-dhaqaada arimaha Soomaalida iyo Afrikaanka oo BBC-da uga warramay barnaamijkan cusub ee dib u noqoshada aya sheegay in Sweden ay sharcigan kasoo minguuriyeen dalka Denmark iyagoo rajeynaya in dad badani ay noqon doonaan, “Siyaasaddaas waxaa dabadda ka riixaya xisbiga ku ad-adag arimaha qaxootiga ee Sweden Democratic” ayuu sheegay Kaahin.

Kaahin oo ka hadlayey arintan ayaa sheegay in tusaalle ahaan qofka Soomaaliga ah ee ku noqonaya Soomaaliya dhaqaalle ahaan iyo nolol ahaa aanay wax weyn u tareyn 35 Kun doollar, guriga kaliya. “Qofka noqonaya haddii uu doono in uu dhisto guri afar qol ah waxaa ku baxaya ugu yaraan Lixdan kun oo doolaar dhismihiisa kaliya qoysku nolol ayuu u baahnyahay, carruurtii iskuul ayeey u baahanyahiin markaa uma maleynayo in ay fikradani hirgeleyso.

“Qofku markii uu waddanka ku laabto hadii la siiyo dhaqaalle uu wax ku qabsan karo sida mid uu guri ku dhisan karo ama uu meherad ku furan karo waa laga yaabaa in uu noqon lahaa, laakiin 35 Kun wax weyn katari meyso noloshiisa,” ayuu sheegay Kaahin.

Guddi ay dawladdu magacawday bishii hore ayaa kula talisay dawladda in ay si weyn u kordhiso lacagta deeqda ah, iyaga oo sheegay in waxtarka la filayo aanay qeexeynin kharashaadka iman kara.

Dalkan ku yaal Waqooyiga Yurub ayaa sanado badan la halgamayay sidii ay u dhex geli lahaayeen soo galootiga, madaxa baaritaanka Joakim Ruist ayaa sheegay in dhaqaale kordhintu ay diri doonto fariin muujinaysa in muhaajiriintu yihiin kuwo aan la rabin, taasoo sii carqaladeyneysa dadaallada isdhexgalka.

Laakiin Kaahin Maxamed Axmed waxa uu sheegay in dadka qaxootiga ah ay qeyb weyn ka qaateen horumarka bulshada iyo dhanka dhaqaallaha. Ilaa 80% dadka waddo gaadiidka sida tareenada, basaska iyo takaasida, asalkoodu waa qaxooti, dhaqaatiirta waddaanka 5tii qof, qof baa asalkiisu qaxooti yahay, dhaqaatirta Ilkaha afartii, qofba qof baa so galooti ah, sidoo kale kalkaaliyaasha caafimaadka, afartii qofba qof baa soo galooti ah, ayuu sheegay Kaahin oo intaasi ku daray in sido kale dadka asal ahaan kasoo jeedo qaxootiga ay ka shaqeeyaan nadaafada.

Dalka Denmark ee deriska la ah Sweden ayaa bixiya in ka badan $15,000 qofkiiba, marka la barbardhigo Norwey oo bixisa ku dhawaad $1,400, Faransiiska waa $2,800 Halka Jarmalka ahy bixiyaan $2,000, Waa dadka raba in ay si iskood ah ugu laabtaa dalkooda.

Waddamada kale ee Yurub waxay sidoo kale bixiyaan deeq, si ay ugu noqoto dhiirigelin muhaajiriinta in ay ku noqdaan dalkooda.Sweden

Dalkan ku yaal Waqooyiga Yurub ayaa sanado badan la halgamayay sidii ay u dhex geli lahaayeen soo galootiga, madaxa baaritaanka Joakim Ruist ayaa sheegay in dhaqaale kordhintu ay diri doonto fariin muujinaysa in muhaajiriintu yihiin kuwo aan la rabin, taasoo sii carqaladeyneysa dadaallada isdhexgalka.

Laakiin Kaahin Maxamed Axmed waxa uu sheegay in dadka qaxootiga ah ay qeyb weyn ka qaateen horumarka bulshada iyo dhanka dhaqaallaha. Ilaa 80% dadka waddo gaadiidka sida tareenada, basaska iyo takaasida, asalkoodu waa qaxooti, dhaqaatiirta waddaanka 5tii qof, qof baa asalkiisu qaxooti yahay, dhaqaatirta Ilkaha afartii, qofba qof baa so galooti ah, sidoo kale kalkaaliyaasha caafimaadka, afartii qofba qof baa soo galooti ah, ayuu sheegay Kaahin oo intaasi ku daray in sido kale dadka asal ahaan kasoo jeedo qaxootiga ay ka shaqeeyaan nadaafada.

Dalka Denmark ee deriska la ah Sweden ayaa bixiya in ka badan $15,000 qofkiiba, marka la barbardhigo Norwey oo bixisa ku dhawaad $1,400, Faransiiska waa $2,800 Halka Jarmalka ahy bixiyaan $2,000, Waa dadka raba in ay si iskood ah ugu laabtaa dalkooda.

Waddamada kale ee Yurub waxay sidoo kale bixiyaan deeq, si ay ugu noqoto dhiirigelin muhaajiriinta in ay ku noqdaan dalkooda.

Dhibaatooyinka is dhexgalka bulsho

Ra’iisul wasaaraha Sweden Ulf Kristersson ayaa xukunka la wareegay sanadkii 2022-kii isagoo la yimid dowlad wadaag ah oo laga tira badan yahay oo uu soo dhisay xisbiga Sverigedemokraterna, isagoo wacad ku maray inuu adkeyn doono soo galootiga iyo dambiyada.

Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa noqday xisbiga labaad ee ugu weyn dalka isagoo helay 20.5% doorashadaas.

Sweden ayaa bixinaysay kaalmo horumarineediyo mid deeqsinimo tan iyo 1970-meeyadii, waxayna ay qaadaanaysay tiro badan oo muhaajiriin ah tan iyo 1990-meeyadii.

Inta badan soo galootiga Sweden ayaa ka yimid dalal ay colaado ka jiraan sida Soomaaliya, dalkii horrey loo oran jiray Yugoslaafiya, Suuriya, Afgaanistaan, Iiraan iyo Ciraaq.

Sannadkii 2015 oo kaliya, markii ay sarraysay xasaradaha socdaalka ee Yurub, Sweden waxay qaadatay 160,000 oo magangelyo doon ah, waana tiradii ugu badnayd ee dal ka tirsan midowga Yurub uu qaato.

Iyada oo ay sare u kacday heerka shaqo la’aanta ee dadka dibadaha ku dhashay, xaaladdaas ayaa si kordhisay sinnaan la’aanta hodantinimada Sweden, waxayna culays ku keentay nidaamkeeda samafal.

Qalalaasihii socdaalka ee 2015kii waxa ay saameysay isbeddel, iyadoo dawladdii Xisbiga Social Democratic ee xilligaasi ay wax yar ka dib ku dhawaaqday in aanay sii wadi karin siyaasaddeeda albaabada furan.

Tallaabooyin badan ayey qaadeen labada dowladood ee garabka bidix iyo kuwa midig ilaa markaas si loo xakameeyo socdaalka, oo ay ku jiraan in la siiyo sharciyo ku meel gaar ah magangalyo-doonka, adkeynta shuruudaha dib-u-midaynta qoyska, iyo kor u qaadista shuruudaha dakhliga fiisaha shaqada ee muwaadiniinta aan ahayn Midowga Yurub.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Sweden

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here