=XIGASHO BBC SOMALI=Markus Wiechel

Mid ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah ee dalka Sweden ayaa dardar galinaya in uu u ololeeyo sidii loo aqoonsan lahaa jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland.

Advertisement

Markus Wiechel ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay X ama hore loo dhihi jiray Twitter wuxuu ku sheegay in halgan uu ugu jiro sidii loo aqoonsan lahaa Somaliland.

“Halgankii aan u galay dib u ictiraafka Somaliland iyo muhiimadda juquraafi-siyaasadeed ee ay u leedahay u qiridda guushooda ayaan maqaal cusub ku soo qaatay” ayuu qoraalkiisa ku sheegay.

Sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Sweden doodda ku saabsan aqoonsiga Somaliland ayaa dood kulul ka dhex dhalisay Markus Wiechel oo ka tirsan xisbiga Sverigedemokraterna (SD) iyo wasiirka arrimaha dibadda Maria Malmer Stenergard

Wiechel waxa uu wasiirku ku cadaadiyay inay caddeeyso mawqifka Sweden ee Somaliland iyo aqoonsigeeda, isagoo ku dooday in tallaabadan oo kale ay muhiim u tahay istiraatijiyadda juqraafiyeed ee Sweden, gaar ahaan ka hortagga saamaynta sii kordhaysa ee Shiinuhu ku leeyahay Geeska Afrika.

Malmer Stenergard ayaa dhankeeda sheegtay sida ay Sweden uga go’an tahay inay taageerto dimuqraadiyadda Somaliland, balse waxay meesha ka saartay suurtogalnimada inay aqoonsato madax-bannaanideeda, iyadoo ilaalinaysa siyaasadda hadda jirta ee “Soomaaliya oo mid ah”.

Waaa kumaa Markus Wiechel?

Markus Wiechel wuxuu dhashay 15 April 1988 waa siyaasi Iswiidhish ah oo ka tirsan xisbiga Sverigedemokraterna. Waxa uu ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Sweden ka dib markii uu iscasilay Lars Isovaara 29 November 2012.

Markus Wiechel wuxuu ka baxay Dugsiga Sare ee Hickman (Columbia, Missouri) 2007, wuxuuna u guuray waddankiisii ​​Sweden si uu uga barto Adeegyada Bulshada Jaamacadda Linköping laakiin markii dambe wuxuu ka qalin jabiyay culuumta Siyaasadda.

Waa wiil ay dhashay qoraaga Iswiidhishka, ahna khabiir dhanka caafimaadka indhaha Kristina Narfström oo bare ka ah jaamacadda Missouri .

Hadda waxa uu xubin ka yahay Guddiga Arrimaha Dibadda, sidoo kalena waa ku xigeenka Guddiga Arrimaha Midowga Yurub. Wiechel hadda waxa uu qayb ka yahay saddex ergo baarlamaan oo caalami ah:

Wiechel waa gudoomiyaha ururka PACE-delegation wuxuuna hayaa kursiga gudoomiye ku xigeenka golaha.

Madaxda kale ee horey ugu baaq

Ma aha markii ugu horeysay oo siyaasi reer galbeed ah uu ku baaqo in la aqoonsado Somaliland.

Xildhibaan ka tirsan Congress-ka Mareykanka oo la yirahdo Scott Perry ayaa waxa uu aqalka horgeeyay xeer cusub oo u ololaynaya in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan.

Hindise Sharciyeedka oo tirsigiisu aha 10402 waxa uu hoosta ka xariiqayaa xasiloonida Somaliland ee tobanaanka sano socotay, ka go’naanta dimuqraadiyadda, iyo muhiimadda istiraatijiyadeed ee Geeska Afrika oo ah sababaha ugu muhiimsan ee aqoonsiga Maraykanka.

Sharcigan ayaa ku jira marxaladda koowaad ee habraaca sharci dejinta. Waxaa Congress-ka la geeyay Diisambar 12, 2024. Sida caadiga ah waxaa tixgalin doona shirka guddiga ee soo socda ka hor inta aan loo gudbin Golaha ama Guurtida guud ahaan.

Sharcigu waxa uu ka dhigan yahay tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo ictiraaf raadinta Somaliland ee tobannaan sano jirsatay.

Sidoo kale waxa jiray siyaasi lagu magacaabo Gavin Williamson oo u dhashay dalka UK oo isna ololeynaya aqoonsiga Somaliland.

Gavin Williamson ayaa bilowgii sanadkii 2022 horgeeyay baarlamaanka UK doodda ku saabsan gooni isu taagga Jamhuuriyadda Iskeed madaxbanaanida ugu ee Somaliland.

Somaliland waxa ay ku taal meel istiraatiji ah oo ka mid ah caalamka, waxaana loo arkaa inay tahay marin laga galo gacanka cadmeed iyo badda cas, halkaasoo ah meel ay aad isha ugu hayeen quwadaha waaweyn ee dunida.

ay aqoonsiga SomlilandXildhibaankan oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa waxa uu aqalka horgeeyay xeer cusub oo u ololaynaya in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here