=XIGASHO BBC SOMALI=
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa horraantii todobaadkan sheegay inuu bixiyey amarka duqayn ka dhacday buuraha Cal-Miskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ciidanka Puntland ay kula dagaallamayaan dagaallameyaal ka tirsan kooxda Daacish.
Sida ay sheegeen milatariga Maraykanka iyo Madaxweyne Trump, waxaa dadkii halkaa ku dhintay ka mid ahaa sarkaal sare oo kooxda u qaabilsanaa qorshaynta weerarrada, laakinse lama sheegin magaca sarkaalkaas iyo dagaallamayaashii kale ee ku dhintay duqaynta.
Maamul goboleedka Puntland ayaa isna BBC u sheegay in ilaa 40 dagaallame ay ku dhinteen duqaynta, kuwaasoo u badnaa ajaanib.
Haddaba madaxda milateriga ee puntland ayaa BBC u xaqiijiyey in ilaa 5 saraakiil sare oo Daacish ka tirsan ay weerarka ku geeriyooday.
Waxaa ka mid ahaa saraakiishaas Cabdiraxmaan Faahiye Ciise Maxamuud oo ahaa ku xigeenka hogaamiyaha daacish ee Soomaaliya, sida uu BBC u sheegay Afhayeenka ciidanka ku jira hawlgallada Daacish Jeneraal Maxamuud Maxamed Axmed,
“Nin Faahiye la yiraahdo oo ahaa nin tababarrada u qaabilsanaa waa ku dhintay. Ilaa shan nin baa la ii sheegay, magacyadooda hadeer ma wada xasuusto, laakin Faahiye ayaan ka xasuustaa” ayuu yiri Jeneral Maxamuud.
Geerida Faahiye waxaa iyagana xaqiijiyey dad ay beel ahaan is xigaan oo sheegay inuu u dhintay dhaawac culus oo ka soo gaaray weerarkii uu Maraykanku qaaday buuraleda cal-Miskaad todobaadkan horraantiisii. Waxay intaa ku dareen inuu dardaarmay ka hor intii uusan dhiman. Hase yeeshee warar intaa dhaafsiisan weli kama aysan soo bixin, gaar ahaan dhinaca Maraykanka.
Haddaba waa kuma Cabdiraxmaan Faahiye?
Cabdiraxmaan Faahiye Ciise Maxamuud
Cabdiraxmaan Faahiye wuxuu Al shabaab ka soo wareegay 2015. Si isku mid ah, Isaga & Madaxda ISIS ee uu ka midka yahay Cabdulqaadir Muumin ayaa isku wakhti ka soo goostay kooxda, xiligaas oo ay wateen 15 nin oo ilaalo ah oo kaliya, waxayna saldhig ka dhigteen buuraleyda Cal-Miskaad ee u dhow Qandala.
Waxaa lagu tilmaamay inuu kamid yahay madaxda Daacishta Soomaaliya, uuna toos uga amar qaato Cabduqaadir Muumin.
Maraykanka ayaa ku eedeeyay inuu yahay ninka maleegay weerarkii ugu horreeyay ee uu ururkaas ka fuliyay Boosaaso 23-kii May 2017, kaasoo ahaa qarax lagu bartilmaameedsaday bar koontarool boolis, ayna ku dhinteen shan ruux.
Maraykanka ayaa ninkan u haysta inuu diyaariyo weerarrada ka dhanka ah ganacsatada diidda lacagaha uu ururkaas ku soo rogo.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in Faahiye uuku guulaystay in bil qura ah uu ganacsatada ku qasbo inay bixiyaan lacag dhan 100,000 oo dollar, taasoo mushaar ahaan loo siiyay dagaalyahannada ururkaas.
Waxaa iyaguna jira warar sheegaya in dadka geeriyooday uu ka mid yahay Cabdiweli Maxamed Yuusuf oo la sheegay inuu Daacishta Soomaaliya u qaabilsanaa dhaqaalaha. Wuxuu kaloo ahaa isku xiraha daacishta Soomaaliya iyo shabakadaha kale ee Daacish ee qaaradda.
Cabdiwali ayaa tan iyo sandkii 2019-kii xubin muhiim ah ka ahaa Daacish-Soomaaliya, wuxuuna la kulmay oo warbixinno siiyey madaxda kale ee Daacish ee Soomaaliya, oo uu ku jiro C/qaadir Muumin iyo Cabdiraxmaan Faahiye Ciise Maxamuud, oo horey Mareykanku uu ugu soo rogay cunnaqabateyn.
Cabdiweli ayaa mas’uul ka ahaa maamulidda qayb wayn oo kamid ah dakhliga ay soo saarto Daacish-Soomaaliya, isagoo fududeeyay isu-gudbka Daacish oo dalal kala duwan ka jirta.
Cabdiraxmaan Faahiye iyo Cabdiweli Maxamuud waxay labadaba ku jireen liiska dadka uu hantidooda xayiray Maraykanka ee la baadigoobayey.
Geerida Cabdiraxmaan Faahiye ayaa soo baxday ayadoo shalay ciidanka Puntland ay dagaal qaraar la galeen dagaallamayaasha Daacish, waxaana ilaa ahadda inta la ogyahay, Puntland-na ay sheegatay dagaalka kaga dhintay dhanka Puntland askar 10 ka badan sida uu sheegay Jeneraal Maxamuud Maxamed Axmed. Dhanka Daacishna wuxuu sheegay in khasaare aad u xoog badan uu soo gaaray.
Baraha bulshada ayaa iyana lagu arkayey sawirrada meydad la sheegay in ay yihiin ajaanib ku dhintay dagaalka, laakinse BBC si madax banaan uma aysan xaqiijin.
Dagaalka Puntland iyo Daacish ayaa ka socda bilooyinkii u dambeeyey buuraleyda Cal-miskaad ee gobolka Bari oo ka tirsan silsiladda Buuraha Golis, waxaana dadka deegaankaas yaqaanna ay sheegeen in dhulkaas uu yahay dhul qar, buur iyo dhagax ah oo aysan gaadiidka tiknikada ah gali karin.
=XIGASHO BBC SOMALI=