Waxaa hore loo ogaa in Afhayeenkii hore ee Alshabaab Sh.Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo Dowlada isku soo dhiibay xiligii Farmaajo in Dowlada Xasan Sheekh looga magacaabay Wasiirka Awqaafta iyo arimaha diinta balse hada waxaa soo baxaya Alshabaab kale oo isna isla wasaaradaani xil looga dhiibay.

Sida uu bayjkiisa Facebook ku soo daabacay wariye Ayaanle Xuseen Cabdi Nin Alshabaabka dhawaan ka soo goostay islamarkaana ay aad u doon doonayaan ayay Dowlada Somalia iminka xil u magacowday kaasoo ah Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara).

Advertisement

Ninkaan Alshabaabka ka yimid waxaa loo magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda awqaafta iyo arimaha diinta ee Xukuumada Somalia.

Nadaara hore ayuu uga sheekeeyay sida uu Alshabaab uga soo goostay iyo xilalka uu ka soo qabtay dhanka kooxda Alshabaab, masuulkaani wuxuu sheegay ineysan jirin cid ku qasabtay inuu ka soo baxo Alshabaab balse uu si iskiis ah uga soo tagay.
Alshabaab hore hadana ah Wasiir Nadaara wuxuu wareysiga hore ku xusay inuu uga soo tagay alshabaab markii uu ku qanci waayay  sida ay u dhaqmaan.
Si kastaba Alshabaabkaan hore ayaa shalay ka soo muuqday magacaabistii uu sameeyay Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamze Cabdi Barre .May be an image of 1 person and text
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here