MOSCOW (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa si kulul uga hadlay damaca reer Galbeedka ee ah inay Ukraine siiyaan una fasaxaan inay hubkooda ku garaacdo bartimaameedyo Ruushka ka mida.

Putin wuxuu sheegay in Ruushku talaabo la mida tan reer galbeedka uu qaadi doono  hadii hubkooda lagu dhibaateeyo dadkiisa iyo dalkiisa.

Advertisement

“hadii reer Galbeedku Ukraine siiyaan hub nalagu soo weeraro anaguna waxaan bixineynaa oo hub siineynaa kuwa doonaya inay reer galbeedka weeraraan” ayuu yiri Vladamir Putin lamana oga dhinacyada uu ka wado  inuu siinayo hubka

Mar uu ka hadlayay hubka ridada dheer oo uu sheegay inay reer galbeedku geeyeen dalka Ukraine ayuu ku dhaliilay talaabadaasi ay qaadeen.

Maalmihii ugu danbeeyay ayay warbaahintu tabinayeen in dalalka reer galbeedka sida Mareykanka inay UKraine u fasaxeen in hubkooda ay ku duqeyn karaan bartilmaameedyada Ruushka walow mareykanku xadiday meelaha ay u fasaxeen sida gudaha Ukraine meelaha Ruushku ka heysto.

“dhibaatooyin aad u daran ayay keeni karaan talaabooyinka ay qaadayaan dalal uu Jarmalku ka mid ayahay”, ayuu yiri  Putin

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here