Ciyaaryahanka Vinicius Junior ee Kooxda Real-Madrid ayaa lumiyay rigoore kale kulankii ay shalay la yeesheen kooxda Valencia, wuxuuna sabab u noqday in laga badiyo kooxdiisa Real Madrid .
Goolka waxaa looga hor-maray Real-Madrid daqiiqadii 15-aad balse waxaa u bareejeeyay Vinicius Junior qeybtii danbe eee ciyaarta daqiiqadii 50-Aad, xili daqiiqadii dheeriga gool labaad laga dhaliyay realmadrid ,balse waxaa xusid mudan real-madirid uu Rigoore ama gool ku laad uu ka khasaariyay Vinicius Junior .
Ciyaaryahanka Real-Madrid ka dhaliyay goolka guusha ee lagu magacaabo Hugo Duro ayaa ka soo kacay kursiga kaydka kooxdiisa Valencia isagoona madax ku dhaliyay goolka guusha ee aamusiyay Santiago Bernabeu Stadium waqtigii dhimashada ee ciyaartii shalay.
Vinicius Junior oo khadka dhexe uga ciyaara Real-madrid ayaa ah xidi saameyn badan ku leh ciyaaraha kubada cagta wuxuuna sidoo kale u ciyaaraa xulka qaranka dalkiisa Brazil.
XAFIISKA WARARKA CIYAARAHAÂ
DAYNIILE.COM