GENEVA (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Hay’ada Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ka digaysa soo laba-kaclaynta feyruska cudurka COVID-19 madama uusan baabi’in.

Hay’adu waxay sheegtay in dowladaha adduunka oo dhan aysan diyaar u ahayn, inay la dagaallamaan soo laba kacleynta COVID-19 madaama wali uu dunida ka jiro.

Advertisement

Masuuliyiin u hadlay hay’adaan ayaa xusay in talaalkuna sidii hore u badneyn ,waliba dalal ku dhaw 80 laga soo sheegayo saameyntiisa, waxay ku baaqeen in dadku sii wadaan talaal qaadashada oo ay mar kasta taxadar ka muujiyaan cudurkaani.

Agaasimaha Hay’ada caafimaadka Adduunka  dhanka cudurada faafa, u diyaar garowga ayaa sheegtay in cudurka COVID 19 uusan wali dhamaan.

“fayrusku wuxuu ku wareegayaa dhamaan dalalka  xogta laga helay nidaamkeena ilaalada ku saleysan inay 84 dal ay sheegeyso in tijaabooyinka saaris ay kor u kaceen dhowr todobaad”ayay tiri  Agaasimaha WHO.

Waxay intaasi ku dartay in labadii sano ee la soo dhaafay ay jirtay hoos u dhac naxdin leh oo ku yimid talaalka gaar ahaan shaqaalaha caafimaadka iyo dadka da’doodu ka weyn tahay 60-ka sano kuwaasoo halis ugu jira cudurkaani.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

WHO

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here