Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in dhawaan ay shir ka yeeshaan xaalada Somalia oo dagaalo iyo horumaro intaba ay ka socdaan.
Golaha Ammaanka ayaa la hadal hayaa inta lagu jiro bishaan inay ka doodi doonaan kala qaybsanaanta siyaasadeed ee Soomaaliya iyo dagaalka Al-Shabaab lagu jiro xili ay waliba dar dar hor leh la soo baxeen.
Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa lagu wadaa inuu ka qeybgalo kana soo jeediyo khudbad uu kaga hadlayo xaalada Somalia ,sidoo kale wakiilada Dowlada Somalia ayaa iyaguna ka hadli doona,xili sidaas oo kale lagu wado inay goob joog ka noqdaan xubno ka socda wasaarada arimaha dibada Somalia.
Fadhiga Golaha amaanka QM waxyaabaha looga hadli doono waxaa ka mida taageerada ay Somalia la garab taagan yihiin marka la eego dib u eegista Dastuurka.
Qaramada Midoobe ayaa dhanka kale maanka ku heysa walaac ka taagan Khilaafka u dhexeeya dowladda Somalia iyo Maamul Goboleedyada qaarkood taasoo heer sare gaartay iyagoon wax wada shaqeynana aan lahayn.
Qamada Midoobe waxay aaminsan tahay in awooda soo korortay ee Alshabaab ay keentay markii ay fursad ka heleen kala qeybsanaanta Soomaalida ee dhanka qabyaalada iyo siyaasada.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM