Uhuru Kenyatta Madaxweynihii hore ee Dalka Kenya  ayaa ka hadlay dibad baxyada canshuur kordhinta ay uga soo horjeedaa shacabka Kenya kaasoo maalmihii ugu danbeeyay ka socday qeybo ka mida dalkaasi haba ugu badnaatee caasimada Nairobi.

Uhuru Kenyata ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dibab-baxyadii shalay oo sababay dhimashada shacab gaaraya 10 ruux halka  ay dhaawacmeen kuwo kale oo boqol iyana lagu qiyaasay.

Advertisement

Ciidamada Booliiska ayaa lagu eedeynaaa inay rasaas nool nool u adeegsadeen xakameynta isu soo baxyada shacabka oo ka cabanaya canshuur aysan xamili karin oo Dowladu ku  kordhisay badeecadaha,sidoo kale shacabku waxay isku dayayaan inay ka hortagaan qorshaha xildhibaanada oo ah inay ansixiyaan qorshaha canshuru kordhinta.

Uhuru wuxuu si kulul u cambaareeyay ficilada ay ku dhaqaaqeen madaxda maanta dalka hogaamineysa  sida dilka,dhaawaca iyo xariga.

“waan ka xumahay dhibaatada ka dhalatay isu soo baxyada shacaka ,waana wax laga naxo dadkii shacabka ahaa ee shalay lagu laayay Nairobi”ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Kenya

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here