Wararka ka imaanaya dalka Mozambique ayaa sheegaya in ugu yaraan 21 qof ay lagu dilay rabshado ka dhacay magaalooyinka qaar tan iyo markii maxkamadda sare ee Mozambique ay xaqiijisay in xisbiga talada haya ee Frelimo uu ku guuleystay doorashooyin lagu muransan yahay oo dhacday horraantii bishii Oktoobar.
sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Mozambique Pascoal Ronda dadka dhintay waxaa ku jira ugu yaraan laba askari oo booliis ah, kuwaas oo ku naf waayay intii ay socdeen rabshaduhu.
Advertisement
Rabshadahan ayaa billowday ka dib markii doorashadii dhowaan dhacday la shaaciyay inuu ku guulaystay xisbiga talada haya ee Frelimo, taas oo dalkaas maamulayay tan iyo sanadkii 1975-tii.
Advertisement