Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay 30 kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari uu jiiray dad ku sugnaa xaafad caan ah oo loo dalxiis tago oo ku taal magaalada New Orleans ee dalka Mareykanka ee Louisiana, sida ay sheegeen maamulka magaaladaasi.
NOLA Ready, barnaamijka u diyaargarowga xaaladaha degdega ah ee New Orleans, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in baabuurku uu dhex galay dadkii badnaa ee marayay Waddada Canal iyo Bourbon Street.
Duqa magaalada New Orleans LaToya Cantrell ayaa sheegay in magaaladu ay “saameeyeen weerar argagixiso”.
Dhacdadan ayaa timid dhamaadkii dabaaldegga sanadka cusub ee New Orleans iyo saacado ka hor bilowga ciyaarta Allstate Bowl, oo ah quarterfinal-ka kubbadda cagta ee lagu qabtay Caesars Superdome ee magaalada, iyadoo kumanaan la filayo inay ka soo qeybgalaan