MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Saaka  ubax dhigay Taallada Dhagax-tuur ee magaalada Muqdisho,  halkasoo sidoo kalana salaan sharaf uu kaga qaatay Ciidamo Booliis ah.
Ubax dhigaan ayaa lagu maamuusaa halgankii gobonnimo doonka Soomaaliyeed iyo halyeeyadii naftooda u huray siduu dalkaani uga xoroobi lahaa gumeystaha .

Madaxweynaha ayaa daljirka markii uu tagay mid mid u dul istaagay tabbeelayaal lagu xardhay taariikhda qaar ka mid ah Halgameyaashaasi.
Madaxweynaha wuxuu muujinaya sharafta iyo qiimaha ay Ummadda Soomaaliyeed ka mudan yihiin geesiyaashii u soo halgamay Xorriyadda dalka.
Sidoo kale Xasan Sheekh wuxuu shacabka ugu baaqay  in la ilaaliyo wada-jirka Ummadda Somaliyeed iyo isku duubnidooda.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 3 people and daisMay be an image of 6 people and suitMay be an image of 5 peopleMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 4 people, monument and textMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 5 peopleMay be an image of 2 peopleMay be an image of 10 people and textMay be an image of 6 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here