No description available.ANKARA (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Dalka Turkey ayaa sheegaya in Dowlada Turkey ay ku guuleysatay tijaabinta gantaal casri ah oo dhawaan ay sameysatay kaasoo ay sidoo kalana  geyn doonto meelo ka baxsan xuduudahooda.

Gantaalkaan ayaa lagu sheegay inuu yahay nuuca guuxooda ka dheereeya kaasoo ay farsameysay shirkada diaaca Dalka Turkey,sidoo kale gantaalkaani casriga ah waxaa la sheegay inuu yahay nuuca la geyn karo aagaga hore ee dagaalka.

Advertisement

Awooda Gantaalka waxaa lagu sheegay in lagu bartilmaameedsan karo masaafo dhan 280 KMTR, Milateriga Turkey ayaa ku sheegay gantaalkaani mid waxtar leh oo looga howlgeli karo meelo kala duwan.

Wasaarada Gaashaandhiga Turkey ayaa durba gantaalkaani waxay u qeybisay ciidamada kala duwan ee dalkaasi sida cirka dhulka iyo Badda iyagoona sidoo kale geeyay xuduudadaha dalkaasi.

Warar ku dhaw dhaw Dowlada Turkey ayaa sheegaya in Gantaalkaani ay geyn doonaan saldhigyo ciiamadoodu ku leeyihin meelo ka baxsan dalkooda sida saldhigooda weyn ee Soomaaliya kaasoo loo yaqaan Turkisom.

Talaabadaani Somalia lagu keenayo gantaalkaani ayaa ku soo aadaya xili xiriir wanaagsan uu ka dhexeeyo kabada dal ee Turkey iyo Somalia.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here