Qaxootiga Mareykanka ah vs Qaxootiga Somaliga ah
A. Horaa loo yiri: (Martigu martiga kale waa ka naxaa) marti guriga kuu joogo, haddii Marti kale yimaad waa ka naxaa, waxa uu is leeyhay, wixii lagu sii lahaa ayuu kula qeybsanaa.
B. Cabdi oo Magaalada u soo qaxay oo iska dagay Doorana ” Digaag” Guriga u joogo ayaa Sanada kadib waxaa u yimid Cali oo isna Abaar ka soo qaxay, Rabyna in uu Magaaladda xooga joogo kadibna iska noqdo. Cabdi ayaa u faanay. Cali oo ka xanaaqsan ayaa Shirb ku yiri: ( Habaawgi soo horeeyayoo, Humburuq yeeshayaa tihiin)
” Cali Dooro ma yaqaan ee Humburuq ayuu yaqaan, Qooleey duureed”
Hadda Trump
Trump Hooyadii, Mary Anne Macleod waxa ay ka soo qaxday Jasiirad ku taal Scotland oo Aabaheed uu ku lahaa Tabakaayo yar. markii ay dhacday Abaartii Caanka aheyd ee kumanaal Qof ay ku dhinteen Dalka Scotland.
Waxa ay u soo qaxday Amerika waxa ayna timid New York 1930kii iyada oo 18 jir aheyd, waxa ayna noqotay Jaariyad ” Booyaas” walaasheed Catherine iyaduna waxa ay u qaxday Canada. ( F.S:1-2aad)
Trump Hooyadii markii ay Ameeriko joogtay 6 Sano kadib ayeey Guursatay Frederick Trump oo isaga laftiisu ahaa Qaxooti Jarmalka ka yimid kana soo cararay Dagaalkii 1aad ee Aduunka.
Trump Hooyadii waxaa dhalashada Mareykanka la siiyay 1942dii.waxa ayna Geeriyootay 7/August 2000 iyada oo 88 jir ah.
Duqdu markii ay dhimaneeysay 2000, Dad Abaar iyo Colaad ka soo Cararay oo Somaliya ayaa yimid Ameerika, Sida Trump labadiisii Waalidba ay Col iyo Abaar uga soo qaxeen.
Ar, Trump dulmi badanaa, Nin Aabihii iyo Hooyadii ay Qaxooti ahaayeen. Ma waxa uu noqday Qaxooti Qaxooti raafaa. Kaaga darane waxa uu leeyahay Isreal oo u soo Qaxday Dhulka Reer Falastiin, ha Raafto Falastiiniyiinta Gaza. ( F.S:3-6aad)
Wir, Car, Walaalaheey Xaliimo Buuro iyo Faarax luga Baasto soo Raaf.
Qore: Yahya Amir
Advertisement