Xamaas ayaa hakisay sii daynta xigta ee maxaabiista lagu hayo Gaza si aan xad lahayn, iyagoo ku eedeeyay Israa’iil inay jebisay qodobbadii heshiiska xabbad joojinta, oo ay ku jiraan inay sii waddo dilka Falastiiniyiinta iyo inay hor istaagto bixinta gargaarka bini’aadannimo.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in heshiiska xabad joojinta Gaza la baabi’iyo haddii dhammaan maxaabiista Israa’iil la sii deyn waayo ugu dambeyn Sabtida.

Advertisement

Talaabooyinkan ayaa mudaharaadyo ka dhaliyay magaalada Tel Aviv, halka militariga Israa’iil ay sheegeen in ay baajiyeen fasaxii ciidamadooda, ayna kordhinayaan ciidamadooda ku sugan Marinka Qaza.

Dhulka Qaza, xaaladaha cimilada oo aad u xun ayaa sii kordhinaya darxumada haysata dadka Falastiiniyiinta ah ee soo barakacay kuwaas oo gabaad ka dhiganaya guryaha cooshadaha ka sameysan maadaama inta badan guryahoodii ay waxyeelo soo gaartay ama burburtay.

Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa lagu dilay 48,208 qof oo la xaqiijiyey, waxaana ku dhaawacmay 111,655, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee dhulkaas.

Xafiiska warbaahinta ee Gaza ayaa u cusboonaysiiyay tirada dhimashada ugu yaraan 61,709 qof, isaga oo sheegay in kumanaan qof oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo malaynayo inay dhinteen. Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii Oktoobar 7, 2023 in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here