HomeWarkiiTrump oo sheegay in canshuur is-dhaafsiga ay beegsan doonaan Dunida oo dhan

Trump oo sheegay in canshuur is-dhaafsiga ay beegsan doonaan Dunida oo dhan

WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa daboolka ka qaaday   in canshuur is-dhaafsiga ay beegsan doonaan Dunida oo dhan balse aysan jirin in dalal gaara lala rabo.

Hadalka madaxweynaha Mareykanka ayaa meesha ka saaray rajadii laga qabay in canshuuraha la saaro dalal gaar ah.

Madaxweynaha Mareykanka isagoo la hadlayay suxufiyiinta wuxuu sheegay in ku dhawaaqistiisa tariifada ee mudada dheer la sugayay ee Abriil 2 ay ka bilaaban doonto dhammaan wadamada.

Hadalka Trump ayaa imaanaya ka dib markii maamulkiisu uu hoos u dhigay baaxadda canshuuraha lagu wado in la soo bandhigo 2-da Abriil, taasoo madaxweynaha Mareykanka uu ugu yeeray maalinta xorriyadda”.

La taliyaha dhaqaalaha ee Aqalka Cad Kevin Hassett ayaa horaantii bishaan soo jeediyay in tillaabooyinku si weyn diiradda u saari doonaan 10 ilaa 15 waddan oo ah kuwa ugu badan ee hoos u dhaca ganacsiga Mareykanka.

“Waxaa jira in ka badan 100 waddan oo aan runtii wax canshuur ah nagu lahayn oo aan lahayn wax caqabado ah oo aan tariif ahayn,” Hassett ayaa ku yiri wareysi uu siiyay Fox Business.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMTrump

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -