Madaxweynihii hore ee Mareykanka Dinald Trump ayaa shalay mar kale ka bad-baaday isku dil lala damacsanaa sida warbaahinta dunidu shaaciyeen.

FBI-da ayaa sheegtay in Donald Trump uu ahaa bartilmaameedka ‘wax u muuqda isku day dil’ oo ka dhacay goobtiisa Golf-ka ee ku taal West Palm Beach, Florida.

Advertisement

Hay’adda dambi baarista federaalka ayaa sheegtay in ay baarayso wax u muuqda isku day dil oo loo geystay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump Axadii ka dib markii waaxda sirdoonka ay sheegtay in ay rasaas ku fureen nin hubeysan oo ku sugnaa goobta loo dalxiis tago ee Golf-ka ee hogaamiyaha Jamhuuriga ee Florida.

Ilaalada qarsoon ee trump ayaa warbaahinta u sheegay in ay arkeen nin hubeysan oo isku qarinayay geedo ku  dhaw halka uu golf-ka ku ciyaarayay Trump, kaddibna uu cararay markii ay rasaas ku rideen.

Sidoo kale Ilaalada Madaxweynihii hore waxay xuseen in ninka is qarinayay ee ay uga shakiyeen inuu toogan lahaa Trump uu uga tagay qori nuuca daran-doorriga u dhaca iyo qalab kale,wuxuuna ku baxsaday gaari u diyaarsanaa markii ay  ciidanku eryadeen.

ugu dambeyn Booliisa Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay ninkaan la tuhusan yahay inuu ka fashilmay qorshe dil uu la damacsanaa Madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump.

Booliska ayaa sheegay in ninka tuhunsanaha ah ay ka  soo qabteen jidka I-95 meel qiyaasti 65km u jirto beerta golf-ka Donald Trump.

Ciidanka degmada Martin County ee gobolka Florida ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen.

Waa kuwan waxa aan ka naqaanno toogashada iyo tuhmanaha.

Ryan Wesley Routh, oo ah ninka looga shakisan yahay in uu ku lug lahaa isku day dil oo muuqda oo lagu qaarijin lahaa  madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa lagu soo oogay dacwad ah in uu haystay hub wax gumaada 20 sano ka hor.

Isku daygaan dil ayaa noqomaya markii labaad kadib markii Dhawaan  xabad dhagta lagaga dhuftay kadib toogasho meel dheer laga soo toogtay Trump inkastoo dhaawac fudud uu soo gaaray markaasoo uu bilaabayay ol-olahiisa xil raadinta.

XAFIISka WARARKA
DAYNIILE.COM

Trump Golf

An undated selfie shows Ryan W. Routh, a suspect identified by news organizations, as the FBI investigates what they said was an apparent assassination attempt on TrumpINTERACTIVE - Trump golf course shooting attempt-1726465381

 

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here