Sida lagu cadeeyay war ka soo baxay Aqalka Cad waxaa qadka teleeoonka ku wada hadlay Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Masar Donald Trump iyo C/fataax Al-Sisi iyagoona ka wada hadlay arinta muranka ka dhashay biya-xireenka wabiga Niil oo ay Dowlada Itoobiya ku dhaqaaqday sanado ka hor xili masarna ka carootay.
Waxyaabaha ay ka wada hadleen labada Madaxweyne waxaa ka mida biyo xireenka Itoobiya, iyo sida Masar uga carootay iyo waxa ka dhalan kara intaba hadaan xal loo helin.
Mashruucan biya-xireenka oo Masar u aragto mid dalkooda lagu cunaqabnateeyay ayay  in mudo ahna kasoo horjeedaa xili lagu sigtay in labada dal uu dagaal dhex-maro.
Inkastoo aqalka Cad uusan faah-faahin waxa ka soo baxay wada-hadalka labada Madaxweyne hadana waxaa la ogyahay in Trump hore ula saftay dowlada Masar isagoo diidan in Itoobiya xirato biyaha Wabiga Niil oo dalal dhowr ah ay wada isticmaalaan.
Sidoo kale Itoobiya ayaa marar badan ku eedeysay Trump inuu u xaglinayo dhinaca Masar, xiligii hore uu xilka hayay.
Muda xileedkiisii hore waxaa la xasuustaa in Trump uu soo jeediyay in Masar ay qarxiso biyo xireenka isagoo su’aal galiyay sababta ay Masar u joojin wayday mashruucaasi taasoo Dowlada Itoobiya aad u dhibsatay inkastoo Dowlada Masar qaadin ilaa hada wax talaabo ah.
si kastaba Trump madaama mar kale la doortay lama oga waxa uu ka sameyn doono biya-xireenka Itoobiya oo wali sidiisii u taagan.
XAFIISKA  WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 2 people and the Oval Office
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here