=XIGASHO BBC SOMALI=

Kooxda samatabixinta Jabuuti

Advertisement

Gelinkii dhanbe ee shalay oo ku beegnayd 1 octoober 2024-ka, kooxaha ilaalada xeebaha Jabuuti oo kaashanaya ciidamada badda qaranka, ayaa si buuxd

Sida ay BBC-da u sheegeen ilaalada xeebaha Jabuuti dadka doonta saarnaa dhamaan waxa ay ahaayeen Itoobiyaan.

Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jabuuti, oo ay taageerayaan Ciidanka Badda Qaranka, ayaa si dhow ula shaqaynaya Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) iyo sidoo kale maamullada maxalliga ah si ay u kordhiyaan dadaallada samatabbixinta iyo dammaanad qaadka jawaab-celinta isku dhafan ee musiibadan badda.Ilaa hadda, 61 qof ayaa wali la la'yahay, waxaana howlgallada baaritaannada lagu samata bixinaayo ay ka socdan goobta shilka ka dhacay.

“Hawlgallada ayaa weli socda, waxaana naga go’an inaan helno dadka maqan iyo inaan hubinno badqaka kuwa badbaaday,” ayay yirahdeen hawlgalka samatabixinta ee isku dhafka ah.

Bishii Abriil, ugu yaraan 38 qof, oo ay ku jiraan carruur, ayaa dhintay ka dib markii doontii ay la socdeen ay ku degtay meel ka baxsan xeebaha Jabuuti, xilli ay maraysay isla waddadan badda cas.

Bishii Juun, ugu yaraan 56 tahriibayaal Soomaali iyo Itoobiyaan ah ayaa dhintay, 140 kalena waa la waayay kaddib markii doon ka timid Soomaaliya ay ku dagtay gacanka Cadmeed, ee xeebaha koonfureed ee Yemen. Dadka dhintay waxaa ka mid ah 31 haween ah iyo lix carruur ah.

Tobanaan kun oo qof oo doonaya mustaqbal wanaagsan ayaa ka dhoofa Afrika oo sannad kasta ka gudba badda cas si ay u gaaraan Sucuudiga iyo waddamada kale ee Khaliijka, sida ay hay’adaha bani’aadamnimadu ku tilmaameen mid ka mid ah waddooyinka ugu mashquulka badan uguna khatarta badan dunida.

Tirada muhaajiriinta gaaray Yemen ee ka imanayay Geeska Afrika ayaa kor u kacday ilaa 73,000 sannadkii 2022, waxaanay gaaray in ka badan 97,200 sannadkii hore, sida ay sheegtay IOM.

Waddadan tahriibka oo loo yaqaan “Jidka Bari”, ayaa waxaa doomaha buux-dhaafiya dadka qaxootiga iyo muhaajiriinta marka ay ka soo ambabaxayaan Geeska Afrika una sii jeedaan Yemen. Halkaa waxa ay u safraan wadamada khaliijka iyaga oo shaqo raadis ah. Kuwa ka soo laabanaya Khaliijkana waxay isticmaalaan isla waddadan.Tirada muhaajiriinta gaaray Yemen ee ka imanayay Geeska Afrika ayaa kor u kacday ilaa 73,000 sannadkii 2022, waxaanay gaaray in ka badan 97,200 sannadkii hore, sida ay sheegtay IOM.

Marka laga soo tago tahriibayaasha shaqa doonka waxaa kale oo jira muhaajiriin badan oo kale oo waddadan badda cas mara kuwaas oo baxsanaya colaadaha, rabshadaha siyaasadeed iyo isbeddelka cimilada ee dalkooda.

Waxay la kulmaan khataro caafimaad, dhibaatooyin iyo dhiig-miirasho ay u geystaan dadka wax tahriibiya, ayay tiri hay’adda socdaaka adduunka ee IOM.

Sida laga soo xigtay diiwaanka IOM ayaa muujinaya in ku dhawaad 400,000 oo qof la diiwaan galiyay iyaga oo ka gudbaya Jidka Bari sanadkii 2023, , iyadoo ku dhawaad 700 ay dhinteen ama la waayay sanadkaas.

Hay’adda Socdaalka ayaa intaas ku dartay in ku dhawaad 1,000 qof ay ku dhinteen ama lagu waayay wadada badda cad tan iyo 2014

=XIGASHO BBC SOMALI=

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here