BEIRUT (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Cirka Israa’iil ayaa saacadihii ugu dambeeyay waxay duqeyn xooggan ka gaysteen xaafado ka mida Koonfurta Caasimada Dalka Lubnaan ee Beirut.

Shacab isugu jira Carruur iyo haween ayaa ka mid ah dadka ay laayeen Ciidamada Cirka Israa’iil xili bay sheeganayaan inay beegsadeen xubno ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Ururka  Hezbollah .

Advertisement

Tirada dhimashada weerar cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay duleedka koonfureed ee Beirut ayaa gaartay 45 qof, oo ay ku jiraan saddex carruur ah iyo toddobo dumar ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Lubnaan.

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in tirada dhimashada kor u dhaaftay 45 qof  Axadda maanta ah.

Wasaarada Xaafimaadka waxay sidoo kale sheegtay inay shaqada sii wadi doonaan gaar ahaan meydadka qaar oo wali ku hoos jira burburka guryaha,wasaaradu waxay sii raacisay inay istismaaleyso tijaabada dhiiga DNA-da  si loo go’aamiyo aqoonsiga qaar ka mid ah meydadka.

Saddexda carruurta ah ee la dilay ayaa da’doodu kala ahayd afar, lix iyo 10 jir, sida uu sheegay Abiad,Ciidamada gurmadka ayaa wali baadi goobayay 17 qof oo ku hoos jira burburka.

Hawlgalka samatabbixinta] waxa uu sii socon karaa maalin kale ama wax ka badan, sida uu soo sheegay wariyaha  TV-ga Aljazeera ee Beirut Dorsa Jabbari.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

People gather at the scene of an Israeli strike that targeted Beirut's southern suburbs a day earlier, as search and rescue operations continue on September 21, 2024. - Lebanon's Hezbollah said on September 21 that a second senior commander was among 16 fighters killed in an Israeli air strike on its Beirut stronghold the previous day, highlighting the scale of the blow to its military leadership. (Photo by AFP)

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here