GAZA (DAYNIILE.COM)-Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in weerarrada Israa’iil ay ku dishay 24 falastiiniyiin ah ayna ku dhaawacmeen 112 qof 24-kii saac ee ugu dambeeyay.
Guddiga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in hababka dagaalka Israel ee Gaza ay la socdaan “xasuuq”, oo ay ku jiraan isticmaalka gaajada sida hub dagaal.
Kooxaha bini’aadantinimada ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay bishii la soo dhaafay ku dileen ugu yaraan 20 shaqaale gargaar ah Gaza, oo ay ku jiraan afar ka mid ah shaqaalaha Oxfam oo ku safrayay baabuur calaamadeysan.
Ciidamada Israel ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayaan xaafadaha koonfureed ee Beirut ka dib markii ay weerareen aagagga xadka Suuriya iyo Lubnaan, iyadoo madaxa Xisbullah uu ballan qaaday “inay guul gaaran oo ay ka adkaadaan cadowgeenna”.
Xasuuqa Israa’iil ee Gaza ayaa dilay ugu yaraan 43,736 falastiiniyiin ah, waxaana lagu dhaawacay 103,370 tan iyo Oktoobar 7, 2023. Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay maalintaas, in ka badan 200 ayaa la qabtay.
Lubnaan, ugu yaraan 3,386 qof ayaa lagu dilay 14,417 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM