Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa guud ahaan tirada ciidamada Dowlada Somalia ee dagaalkii Raaskanbooni looga adkaday islamarkaana qaarkood isu dhiibeen Maamulka Jubaland qaarna isu dhiibeen ciidamada ilaalada xuduudaha ee dalka Kenya.

Guud ahaan ciidamada Dowlada Somalia ee qaarna Jubaland ay qabteen qaarna Kenya isku dhiibeen ayaa lagu sheegay 1348 askari.

330 ka mida ah ciidamadaan waa kuwa ay qabteen ciidamada Maamulka Jubaland ee Axmed madoobe ka amar qaata,kuwaasoo latigoodu isugu jira 145 askari oo xamar laga keenay islamarkaana ka kala tirsan Haram-cad iyo Gor-gor iyo 185 askari oo ahaa ciidankii Jubbaland ee awal Raaskanbooni loogu yimid kuna biiray Dowlada Federaalka.
Sidoo kale Ciidamada iska dhiibay xudud beeneedka Kenya ayaa iyagana lagu sheegay tiradooda 1018 askari sida uu bartiisa facebook ku shaaciyay Wariye C/risaaq Catoosh.
Sidoo kale wariyaha xogta uu helay wuxuu ku sii sheegay in 145-ta askari ee Haramcad iyo Gor isugu jira 90 ka mida shalay Muqdisho ay gaareen halka 50-ka kalana beri loo diri doono Muqdisho.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here