Ururka maxaabiista Falastiiniyiinta ayaa sheegay in in ka badan 9,600 oo Falastiiniyiin ah oo ka kala yimid Daanta Galbeed ee la haysto iyo Bariga Quddus ay hadda ku xiran yihiin xabsiyada Israa’iil.

Kumanaan ayaa lagu hayaa xabsi maamul, waa dhaqan si weyn loo dhaleeceeyay halkaas oo Falastiiniyiinta lagu hayo dacwad la’aan.

Advertisement

Ciidamada Israel ayaa kordhiyey weerarada maalinlaha ah ay ku hayaan magaalooyinka iyo tuulooyinka ay degan yihiin Falastiiniyiinta, waxaana ay xoojiyeen xariga ay ku hayaan dadka reer Falastiin ee ku sugan Daanta Galbeed iyo Bariga Quddus. Waxa ay sidoo kale caburin ku sameeyeen muwaadiniinta Falastiiniyiinta ee Israel.

Kooxda maxaabiista ayaa intaa ku daray in qaar badan oo ka mid ah maxaabiista ay inta badan la kulmaan tacadiyo iyo garaacid ba’an.

Dunida Caalamka ma jirto cid Yuhuuda kala hadli karta xasuuqa ay ku hayaan shacabka Falastiin iyo waliba shacabka 10-ka kun ku dhaw ee ay sidii xoolihii iska xareysteen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Xadgudubyo Lagu Hayo Maxaabiista Falastiiniyiinta ku xiran Israa'iil

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here