QARTUUM (DAYNIILE.COM)-Cilmi baarayaal u dhashay Ingiriiska iyo Sudan ayaa soo saaray tirada dadka reer Sudan ee ku dhintay dagaalada sokeeye ee dalkaasi ka holcaya.
Warbixinta Cilmi baarayaasha ayaa lagu shaaciyay inau ilaa hada dhinteen 61 kun oo ruux, tiradaan ayaa ka badan xisaab hore Qaramada Midoobe u soo bandhigtay.
Warbixinta waxaa sidoo kale lagu sheegay dadka in badan oo ka mida inay u dhinteen gaajo iyo cuduro ka dilaacay dalkaasi wixii ka danbeeyay markii dalkaasi dagaaladu ka qarxeen.
Marba marka ka dambeysa waxaa suurtagal ah in tirada dhimashada ay intaasi ka sii badato madaama wali dhibaatadu ka taagan tahay dalkaasi marka la eego gaajada iyo cudurada ka dhashay dagaaladaasi ahliga ah.

XAIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here