GAROWE (DAYNIILE.COM)-Taliska Cidamada ilaada waddooyinka ama taraafikada ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka war-bixiyay shilalka baabuur ee ka dhacay deegaanadooda mudadii lixda bilood ee u dambeysay iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay.

Gaashaanle Cabdifatax Saciid Suleymaan oo ah Taliyaha Ciiadanaka ilaada waddooyinka Puntland ayaa u sheegay idaacada VOA-da laanteeda afka Soomaaliga inay liis gareeyeen 800 shilal baabuur ah lixdii bilood u dambeysay.

Advertisement

Gaashaanle Cabdifatax Saciid Suleymaan wuxuu carabka ku dhuftay in shilalkaasi ay ku dhinteen  45 ruux lixdii bilood u dambeysay halka ay ku dhaawacmeen dad ku dhaw 3 Boqol ruux.

Sarkaalkaan wuxuu tilmaamay in 188 ka mida dadkaasi qabaan dhaawacyo fuudu halka 109 ruux ay gaareen dhaawacyo culus oo sababay inay isbitaalo galaan.

Mar wax laga weydiiyay Taliyaha shilalka halka ay ku badan yihiin ayuu sheegay inay u badan yihiin kuwa ka dhaca magaalooyinka banaankooda sida kuwa safarada ku yimaada gaar ahaan kuwa ka yimaada dhanka Itoobiya ama Magaalada Baladweyne.

“shilalka gudaha waxaa jira 17 gaari oo ka baxay dekadaha puntland”ayuu yiri Taliyaha

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here