=XIGASHO BBC SOMALI=
Laba nin oo u dhashay dalka Uganda ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu eedeeyay inay aflagaado u geysteen Madaxweyne Yoweri Museveni, marwada koowaad ee Museveni iyo wiilka uu dhalay madaxweynaha Gen Muhoozi Kainerugaba muuqaal lagu baahiyay barta TikTok.
Garsooraha maxkamada Stella Maris Amabilis ayaa amartay in xabsiga lagu sii hayo David Ssengozi oo 21 jir ah oo loo yaqaano Lucky Choice iyo Isaiah Ssekagiri oo 28 jir ah ilaa Arbacada markaas oo ay furi doonto maxkamad horudhac ah.
Waxaa lagu eedeeyay hadalo naceyb ah iyo warar xaasidnimo ah oo ka dhan ah qoyska talada haya in ay faafiyeen iyo sidoo kale in ay sidaas oo kale ku sameeyeen musishanno xiriir laleh xisbiga talada haya ee Dhaqdhaqaaqa Iskacaabinta ee Qaranka (NRM).
Xilli ay maxkamada ka soo muuqdeen Isniintii, labadooduba way diideen eedeymaha loo soo jeediyay.
Waxaa si wada jir ah loola soo taagay maxkamadda Julius Tayebwa, oo 19 jir ah, kaas oo horay maxkamad loo horgeeyay laguna sii hayo xabsiga xilli loo haysto isla dambiyadaas oo kale.
Xeer-ilaaliyeyaashu waxay ku eedeeyeen ragaan in ay barta TikTok ku baahiyeen macluumaad ujeedka laga lahaa uu yahay in ay “ku jeesjeesaan, liidaan, sidoo kalana cadaawad u abuuraan” qoyska koowaad ee haya talada daka iyo qoysas kalaba.
Garsooraha maxkamadda ayaa ogolaaday in xabsiga lagu sii hayo ragaan ka dib markii ay booliisku sheegeen inay weli wadaan baaritaanno ku saabsan arrintan.
“Waxaad soo laaban doontaa 13 ka Noofambar, markaas oo uu kiiska la soo oogi doono. Inta ka horaysa waxaad ku sii jiro doontaan xabsiga Kigo,” xaakimka ayaa amray sidaas.
Bishii September, afhayeenka booliiska oo la yiraahdo Rusoke Kituuma ,ayaa ka digay in ku xad-gudubka madaxweynaha, oo uu ku tilmaamay “Isha sharafta”, oo ay tahay dembi ku xadgudubkiisu. Wuxuu xusay TikToker ka wata magaca Lucky Choice oo uu sheegay inay baaritaan ku samaynayaan, in kasta oo markii dambe la xiray.
Ma cadda muuqaalka la daabacay ee keetay xariga, laakiin muuqaal bishii Abril lagu daabacay koontada TikTok ee LuckyChoice70, oo cinwaankiisu yahay Cadawgayga Koowaad, ayaa waxa uu dhaleeceeyay qoyska haya talada dalka isaga oo isticmaalaya ereyo si qaawani ah jinsiga uga hadlaya.
Bishii Luulyo, nin 24 jir ah ayaa lagu xukumay lix sano oo xarig ah ka dib markii uu muqqalka TikTok ku aflagaadeeyay madaxweynaha iyo qoyskiisa. Waa uu qirtay in falkaas ku kacay wuxuuna codsaday cafis.
Waxay ku soo beegmaysaa arrinkaan iyadoo dowladda lagu dhaliilay inay xaddidayso xoriyadda dadka ee ah inay dhaleecayn karaan tallaabooyinka ay qaadayso dowladdu ama mas’uuliyiinta dowladdu ay qaadayaan.
Dowladda Mareykanka ayaa warbixin ay sannadkii hore soo saartay ku eedeysay dowladda Uganda inay xaddidayso xorriyadda internetka iyadoo adeegsanaysa ciqaabo dambi ka dhalan karo.
Kooxaha xuquuqda aadanaha udooda ayaa sidoo kale si joogta ah u dhaleeceeya mas’uuliyiinta dowladda Uganda oo ay ku eedeeyeen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo xorriyatul qawlka.
Sannadkii 2022-kii, qoraaga reer Uganda ee ku guulaystay abaal marinta Kakwenza Rukirabashaija ayaa lagu soo oogay laba dacwadood oo kala ahaa “hadalo meel ka dhac ah” ka dib markii uu si adag uga hadlay madaxweynaha iyo wiilkiisa qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka.
Waxa uu u baxsaday dalka Jarmalka kadib markii uu muddo bil ah ku xirnaa xabsi, kaas oo uu sheegay in jirdil loogu geystay gudihiisa.
=XIGASHO BBC SOMALI=