Gudoomiyihii hore ee Gobolka ee Gobolka Banaadir Thabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay hubkii Dowladu waday ee dhawaan shacabka Cabud-waaq xoog kula wareegeen xili ay hal hal u bililiqeysteen.
Masuulkaan ayaa qoraal uu  soo dhigay bartiisa Faceboob wuxuu u qoray sidan:-
Qaadistii cunaqabateynta hubka ma ahayn in ay dhasho qulqul hub sharci darro oo halis ku ah xasilloonida iyo badqabka ummadda Soomaaliyeed, oo wiliba ay wararku sheegayaan in xadka Itoobiya ee Dowlad Gobolleedka GalMudug kasoo galay iyadoo wax xiriir ah uusan nagala dhexeyn Itoobiya.
Waxay sharafdhac ku tahay dowladnimada, hagardaamineysaa hannaanka xakameynta hubka, waana in si daahfuran baaritaan rasmi ah loo sameeyaa, si gaar ah Dowladda GalMudug hay’addaha ay quseyso lana horkeenaa sharciga cidkasta oo ku lug leh jarriimadan qaran ee Soomaliya iyo GalMudug-ba la rabo in lagu sharaf dilo.

Guddiga Difaaca iyo Amniga ee BJFS waajib ayaa ka saaran in ay islaxisaabtan ku sameeyaan Laanta Fulinta ee #DFS.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here