ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Waxaa meel xasaasi ah maraya Tartanka loogu jiro xilka guddoomiyaha Midowga Afrika kasoo doorashadu dhawaan dhaceyo xili musharixiin badan ay tartamayaan.
Doorashada waxay dhici doonta sida la filayo sabtida beri ah oo ku beegan 15-ka bisha febrayo ,waxaana lagu dooran doonaa shirka madaxda dalalka Afrika kaasoo ka dhacaya dalka Dalka Itoobiya.
Kulan-madaxeedkaan oo berito ka bilaabanaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa lagu dooran doonaa gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.
Musharixiinta ugu cad cad waxaa ka mid wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo Raila Odinka oo Kenya mar ka soo noqday Ra’iisulwasaare islamarkaana ah mucaaradka Dalkiisa kan ugu xooggan,wuxuuna marar badan isku soo sharaxay xilka Madaxweynaha Kenya inkastoo uu ku guul dareystay.
Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf ayaa dhankiisa ka hadlay tartankaan uu ku jiro ,wuxuuna muujiyay dadaalka uu ugu jiro sidii uu ugu guuleysan lahaa xilkaani.
Xildhibaan Cabdow Ciise oo ka mid ah wafdi ay Jabuuti u dirtay shirkaani Adis-ababa ka dhacaya oo wareysi siiyay idaacada VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegaya in madaxda Afrika ay ku soo qulqulayaan Dalka Itoobiya si ay shirkaani uga qeybgalaan.
“kalsooni ayaan ku qabnaa in wasiirkeena arimaha dibada uu ku guuleysto xilkaan,waana diblomaasi qibrad leh islamarkaana siyaasada mudo ku soo jirey”ayuu yiri Xildhibaan Cabdow Ciise
Dhanka kale Idaacada ayaa wax ka weydiisay Xildhibaanka Jabuutiyaanka ah dalalka ay rajeynayaan inay codadka ka heleen wuxuuna sheegay inay ka mid yihiin afrikada kooureed,kuwa muslimiinta ah,iyo afrikada jecel horumarka waa sida uu hadalka u dhigay
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement