HomeWarkiiTaliyihii hore ee Milateriga oo kashifay arin qatar ku ah Amniga Saraakiisha...

Taliyihii hore ee Milateriga oo kashifay arin qatar ku ah Amniga Saraakiisha sar-sare  ee Ciidamada 

Taliyihii hore ee Ciidamada  Xoogga Somalia Gen Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa si kulul uga hadlayay dilkii shalay subax loo geystay Taliyihii guutada 14-ka Oktobar Allaha u naxariistee Nuur Fareey.

Gen Ibraahim Sheekh Muxyadiin wuxuu kashifay arin qatar ku ah Amniga Saraakiisha sar-sare  ee Ciidamada qaranka Soomaaliyeed isagoona carabka ku adkeeyay in la dayacay amniga Taliyaha inkastoo uusan xusin cida uu ku eedeynayo dayaca.

Masuulkaani wuxuu ka shifay inay jirto isku milan dhanka ciidamada qaranka iyo caddowga Alshabaab sida uu warka u dhigay.

“waxaa jira isku milan xaga ciidamada qaranka iyo Alshabaab ama kuwa u shaqeeya” ayuu yiri Taliyihii hore ee Xooga dalka

Sarkaalkaan wuxuu carabka ku adkeeyay in caddowu uu heysto siyaabo uu ugu soo dhuuman karo ciidamada iyo saraakiishooda madaama lagu jiro xili adag oo aaney jirin cid kala sooceysa ciidamada qaranka ,iyo caddowga.

Sarkaalkaan wuxuu tilmaamay in laga war sugaayo baaritaanada Dowladu wado balse ilaa hada aan la ogeyn ninka dilka fuliyay inuu Dowlada u shaqeynayay iyo inuu ahaa cadow ciidamada ku soo dhex dhuuntay.

Dhanka kale Taliyihii hore ee Ciidamada Milatariga Gen Ibraahin Sh.Muxudiin wuxuu bixiyay xog ah in Taliyaha la dilay uu dhinac isaga saaray ilaaladiisii uu ku kalsoonaa madaama uu hadal u jeedinaayay ciidamo tabasho qabay taasoo sahashay dilkiisa.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -