Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Dhulka ee #UPDF, S/Gaas Francis Takirwa ayaa laba maalin ka hor guddoomiyay xaflad ka dhacday Muqdisho oo ay xilka kula kala wareegeen hoggaanka Qaybta Koowaad ee ATMIS.
S/Guuto Joseph Musoke Ssemwanga ayaa si rasmi ah taliska ugala wareegay S/Guuto Anthony Lukwago Mbuusi oo muddadii hawlgalkiisa uu soo idlaaday.
S/Gaas Takirwa ayaa ku ammaanay S/Guuto Mbuusi dadaalkii uu ka qaatay geeddisocodka nabadda Soomaaliya, isagoo mar kale xaqiijiyay sida ay Uganda uga go’an thaay nabadda gobolka & amniga.
S/Guuto Mbuusi ayaa ciidanka kula dardaarmay inay taageeraan waajibaadka ATMIS, halka S/Guuto Ssemwanga uu ballanqaaday inuu sii ambaqaadi doono guulihii uu soo hoyay taliyihii asaga ka horreeyey.
=XIGASHO TALISKA ATMIS=
Advertisement