MOSCOW (DAYNIILE.COM)-Dowlada Ruushka ayaa ka hadashay Dilka maanta Caasimadooda loogu geystay Taliyihii ilaalada hubka nukliyeerka ee dalkaasi Lt Gen Kirillov .
Qarax la soo maleegay ayaa Taliyahaan lagu dilay gudaha caasimada Moscow, waxaana ka hadlay Guddiga baarista ee dalka Ruushka.
War ka ka soo baxay Dowlada Ruushka wuxuu ku tilmaamay dilka loo geystay Lt Gen Kirillov inuu yahay mid argagaxisanimo.
Advertisement
Sidoo kale Warar goor dhaw ay shaaciyeen warbaahinta dunida qaarkood ayaa sheegaya in Dowlada Ukraine ay sheegatay masuuliyada weerarka agu dilay sarkaalkaasi Ruushka ugu qaabilsanaa ilaalinta hubka Nuyukleerka.
Wakaaladaha wararka Reuters iyo AFP oo baahiyeen qaraxa saaka lagu dilay Lt Gen Kirillov ayaa sidoo kale ka mida kuwa soo hadal qaaday in Ukraine sheegatay masuuliyada dilkaani.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement